4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Shirkadda SKA oo si rasmi ah Maamulkii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu Wareejisay Shirkad Turkish ah (SAWIRRO)


Axad, September 15, 2013 (HOL) — Shirkadda SKA Air & Logistic oo haysay garoonka maamulka Muqdisho saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa maanta ku wareejisay howlaha garoonka iyo maamulkiisa shirkad lagu magacaabo FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo dib u habeyn ku sameyn doona garoonka.

Munaasabad ay xilalka ku kala wareegsanayeen mas’uuliyiinta shirkadahan ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo ay ka ahaayeen goobjoog wasiirrada warfaafinta, arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, taliyaha ciidanka booliska, agaasimaha guud ee hay’ada nabad-sugida Qaranka, maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada iyo madaxda shirkadaha SKA iyo FAVORI.

Wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshii ku saabsanaa sidii shirkadda SKA maamulka garoonka ugu wareejin lahayd shirkadda Turkiga, taasoo uu ku tilmaamay inay wax weyn kusoo kordhin doonto garoonka diyaaradaha, isagoo intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya ay howsha garoonka la wareegtay shirkadda FAVORI.

Maamulaha shirkadda SKA, Sean Mendis oo isna hadal kooban goobtaas ka jeediyay ayaa dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay wadashaqeyntii ay la sameynayeen mudadii saddexda sano ahayd ee ay maamulayeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayna maamulka garoonka maanta ku wareejinayaan shirkad cusub oo dalka Turkiga laga leeyahay, wuxuuna xusay inay aad ugu faraxsan yihiin inay howsha garoonka wareejiyaan.

Madaxa shirkadda FAVORI, Axmed Getin oo isaguna hadlay ayaa sheegay in muddo siddeed bil gudaheed ay wax weyn kusoo kordhin doonaan habsami u socodka howlaha garoonka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay si diiran u soo dhaweeyaan howlaha ay u qaban doonaan.

Intaas kaddib mas’uuliyiintii ka qayb-gashay munaasabadda xil-wareejinta ahayd ayaa waxay kulan la qaateen mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya, iyagoo ka dalbaday inay si hufan ula shaqeeyaan shirkaddan cusub ee maamulka garoonka lagu wareejiyay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen oo halkaas ka jeediyay hadal ayaa isaguna ka codsaday maamulayaasha shirkadaha diyaaradaha inay la qabsadaan maamulka cusub ee garoonka, isla markaana aysan ku abuurin dareen gooni ah, isagoo intaa raaciyay in wixii dhib ah oo ay dareemaan ay u soo gudbin karaan madaxda ku shaqada leh.

Shirkada cusub ee FAVORI ee maanta lagu wareejiyay maamulka garoonka Muqdisho ayaa looga fadhiyaa in garoonka ay kusoo kordhiso qalab casri ah iyo waxyaabo kale oo aan looga maarmeyn howlaha garoonka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya