4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubno kale oo Dowladda ka tirsan oo maanta Kormeeray Waddo la Dayac-tirayo (SAWIRRO)


Axad, September 15, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimha gudaha iyo amniga Qaranka,
C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno wasiirro ah ayaa kormeer ku sameeyay maanta mashruuca dowladda Turkiga ay ka waddo magaalada Muqdisho kaasoo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga howsha dayactirka ah ee ay waddo.

C/kariin Guuleed ayaa xusay in dayactirka waddooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho uu dib u soo celinayo bilicdii magaalada, wuxuuna ku ammaanay dowladda Turkiga howlaha samafalka ah ee ay dalka kawaddo.

“Howlahan lagu dayactirayo waddooyinka Muqdisho waa kuwo billow ah oo aan ku kalsoonnahay inay noqon doonaan kuwo bilicdii caasimadda dib u soo celiya, waayo jidadka caasimaddu waxay ahaayeen kuwo aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Waddada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo midda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa dayactirkan uu maanta ka socday, iyadoo ay ku suganaayeen halkaas mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga oo howshan waday.

Gaadiid casri ah ayaa loo adeegsanayay howlaha dayactirka ah iyadoo ay si wadajir ah howsha u wadeen shaqaale Soomaali ah oo la tababaray iyo kuwo u dhashay dalka Turkiga.

“Arrimahan dib u dayactirka waddooyinka waa qorshe lagu mataaneynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul, taasoo ay dowladaha labadan magaalo iska kaashanayaan, isla markaana horseedaya in bilicidii Muqdisho ay dib u soo laabato,” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in dayactirka jidkan uu ku dhammaan doono muddo laba toddobaad gudahood ah, ayna ku xigi doonaan jidad kale oo burbursan, wuxuuna xusay in jidkan lagu xiri doono nalalka ku shaqeeya cadceedda.

Mas’uul ka tirsan shirkadda Turkiga ah ee howshan fulisa oo isaguna hadal siiyay warbaahinta ayaa xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u garab istaagi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadayaan howlahan oo ah kuwo wax loogu qabanayo shacabka Soomaaliyeed.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya