4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo si Caro leh uga Jawaabay qoraal ay Warbaahinta Somalida Qaarkood baahiyeen

Axad, September 15, 2013 (HOL) — Wasiirka wafaafinta dowladda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa si caro leh uga jawaabay qoraal lagu baahiyay qaar ka mid ah war-baahinta Soomaalida, isgaoo qoraalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Qoraal uu wasiirku soo gaarsiiyay HOL ayuu ku xusay, in warqaddaasi ay tahay mid uu qoray qof magaciisa ku sheegay Chopra, loogana hadlay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC,  taasoo beddeleysa shirkadda SKA oo horay maamulka garoonka magaalada Muqdisho loogu wareejiyey.

Wasiirku wuxuu intaas raaciyey in heshiiska shirkadda FAVORI LLC ay ansixiyeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya  bishii Juun 2013, iyadoo loo saaray guddi ay ku jiraan laba xubnood oo wasiirro ah hirgelinta heshiiskan si ay labada shirkadooda ula kala wareegaan maamulka garoonka 15-ka bishan oo maanta ku beegan.

“Qoraalkan waa been abuur cusub oo ay baahiyeen warbaahinta ay leeyihiin dagaal-oogayaasha iyo   qas-wadayaasha, waana mid lagu doonayo in lagu xumeeyo sumcadda saraakiisha dowladda iyo dadka xurmada ku leh bulshada dhexdeeda,” ayuu wasiirku ku yiri qoraalka uu soo gaarsiiyay HOL.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ku sheegay qoraalkiisa, in qoraalkan been abuurka ah lagu xusay inuu yahay mid kasoo baxay xafiiskiisa, ayna warbaahinta warkan baahisay ay u isticmaaleen saxiixiisa oo ay koobbi ku sameeyeen si bulshada ay uga dhaadhiciyaan qoraalkan been abuurka ah.

“Qoraalkan waa mid ay been abuureen warbaahinta hoggaamiye kooxeedyada iyo cadowga nabadda-diiddan, mana joojin doonaan inta laga horgeynayo sharciga si loola xisaabtamo. Dhab ahaan qoraalkani ma ahayn mid kasoo baxay xafiiskeyga, waxaana taas caddeyn u ah inuusan lahayn tixraac lambareed, waxaana qoraallada aan lambarka lahayn ay caddeynayaan inay yihiin kuwo la been abuuray,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in fariin uu kaga digayo warqaddaas uu u diray dhammaan madaxda warbaahinta xushmadda leh, isagoo ugu baaqay inay iska qabtaan kuwa magacooda iyo sharaftooda wax u dhimaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya