4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Xarrakada Al-shabaab oo ka Hadashay Shirkii Culummada ee Muqdisho lagu soo gabgabeeyay iyo Xaaladaha Jubbooyinka

Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dowladda kula jirta dagaal ayaa ka hadashay shir ay culummada Soomaaliyeed Muqdisho kusoo gabgabeeyeen, shirkaas oo laga soo saaray fadwo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Sheekh Maxamed Dul-yadeyn oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in culummada ay yihiin kuwo lasoo adeegsaday oo la doonayo in lagula dagaalamo Al-shabaab.

“Culummada ku shiray Muqdisho waa kuwo ay gaalo soo adeegsatay, waana kuwo la doonayo in loo adeegsado dagaalka Al-shabaab lagula jiro,” ayuu ku yiri hadalkiisa Sheekh Dul-yadeyn oo intaas ku daray inay qorshe walba oo lasoo maleego ay ka hortagayaan.

Mas’uulkan oo si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay ay qaarkood ahaayeen kuwo aan waafaqsanayn diinta Islaamka.

Culummaa’uddiinkii Soomaaliyeed ee ku shiray Muqdisho ayaa qodobadii ay kasoo saareen shirkooda waxaa ka mid ahaa in manhajka ay Al-shabaab ku faafinayso dalka uusan ahayn mid waafaqsan diinta islaamka, iyagoo si cad uga digay in la taageero Al-shabaab.

Dhanka kale, Sheekh Dul-yadeyn ayaa ka hadlay xaaladda ay Jubbooyinka ku sugan yihiin, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay awood ahaan hoos u dhaceen ayna ku eg-yihiin oo keliya saldhigyada ay ku sugan yihiin.

“Ciidamada Kenya waxay daggan yihiin degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo Badhaadhe, sidoo kalena ay deggen yihiin tuulooyin ay ka mid yihiin: Taabto, Qooqaani iyo Kulbiyoow,” ayuu hadalkiisa ku daray xilli uu ka hadlayay masaajid ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose shalay oo Jimco ahayd.

Sarkaalku wuxuu sheegay in xoogagga Al-shabaab iyo shacabka ku nool gobollada Jubbooyinka ay isku xiran yihiin ayna wada-shaqeeyaan, ayna diyaar u yihiin inay ku weerari doonaan meel walba cadowgooda sida uu hadalka u yiri.

Hadalkan Sheekh Maxamed Dul-yadeyn ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shabaab ay qaraxyo ka geysteen toddobaadkii hore magaalada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Shabeellada, kuwaaaso ay ku dhinteen in ka badan 35-qof oo shacab iyo ciidammo isugu jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya