4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xariga ka Jaray Dugsiga Tababbarka Saraakiisha Ciidamada ee Darar-weyne (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dugsiga Tobabarka Saraakiisha Ciidamadda Militariga Somaliland ee Dararweyne ee gobolka Maroodi jeex.

Xafladda lagu furayey dugsigaasi Tobabarka ee Ciidamadda ayaa waxa ka soo qaybgalay Raxan Wasiiro ah, xildhibaano iyo Taliyeyaasha Ciidamadda kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dugsigaasi.

Taliyaha Ciidamadda Militariga Somaliland Sareeyo Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa madaxweynaha uga warbixiyey qaybaha kala duwan ee uu dugsigaasi ka kooban yahay, taas oo uu sheegay inay u dhamaystiranyahay guud ahaan adeegyadii laga rabay dugsiyadda tobabrada ee ciidamada looga baahnaa.

Taliyaha ayaa sheegay inay ciidamadda muhiim u tahay dugsigan kaas oo kor u qaadi doonaan aqoonta ciidanimo ee laga rabo, waxaanu xusay in saraakiisha ciidanku bixin doonaan casharadda kala duwan ee ciidanka, isla markaana uu ciidanku isku filan yahay oo ay dalka joogaan saraakiil badan oo aqoon sare u leh ciidamdaa, qaarkoodna dhowaan ka soo baxeen kuuliyaddo kala duwan ee dalalka dibadda.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahy dugsigan oo iskugu jiro qaybta hurdada, qaybta caafimaadka iyo qaybta tobabarka iyo aqoonta.

Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dugsigan waxaanu ciidanka ku hambalyeeyey horumarka ay gaadheen 22 kii sanno ee Somaliland jirtay, isagoo xusay inuu xoogga saari doono sidii aqoonta iyo tobabarka kor ugu qaadi lahaayeen, isla markaana wax kasta oo tayadooda kor u qaadaya u samayn doonno.

Sido kale, Siilaanyo wuxuu ku amaanay darajooyinka kala duwan ee ciidanka la siiyey taas oo milgaha iyo sharafta ciidanka kor u qaadaysa.

Madaxweynuhu markii uu furay dugsiga wuxuu gaadhay magaalada Berbera oo uu mashaariic laga hirgaliyey xadhiga ka jari doono, sidoo kale waxa uu maalmaha soo socda u dhaafi doonaa gobolka Togdheer oo iyana mashaariic xadhiga ka jari doonno.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadihii kala duwana ee Somaliland soo maray, ayaa xoogga saaray dhisidda iyo horumarinta ciidanka Militariga, kuwaas oo saraakil badani ka soo baxeen kuuliyadaha kala duwan ee jaamacadaha  ciidamadda  Itoobiya.









Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland