4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Iskaashatada Gadiidka Dadweynaha (BL-ka) ee Gobolka Bari oo Cabasho ka Muujiyay Amarro uu Maamulka Puntland kusoo rogey

Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Iskaashatada gaadiidka BL-ka ee gobolka Bari, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey ammarro ay dhowaan si wada jir ah usoo saareen wasaaradaha amniga; howlaha guud iyo gaadiidka iyo taliska ciidamada booliska ee Puntland.

Ammaradan oo ahaa kuwa la xiriira nabad gelyada waddooyinka Puntland, ayaa mulkiileyaasha gaadiidka BL-ka lagu faray inay joojiyaan adeegsiga basaska albaabka ku leh dhanka waddada, arintaasoo la sheegay inay halis ku tahay dadka, islamarkaana ay kordhineyso ciriiriga waddooyinka.

Qaar ka mid ah madaxda iskaashatada iyo mulkiileyaasha gaadiidak BL-ka ee gobolka Bari, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ka codsaday dowladda Puntland in go’aamadaas dib u eegis lagu sameeyo.

C/raxmaan Salwe oo ah afhayeenka iskaashatada oo ugu horreyn hadalka qaatay, ayaa sheegay in ay adag tahay xilligan in si dhaqso ah lagu dhaqan geliyo amarrada ay dowladdu soo saartay.

Salwe ayaa isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: " waxaan madaxdeenna u sheegaynaa in iyagu haddii dhaqaalaha iyo farsamada ay naga kaabayaan aan diyaar u nahay, haddiise anaga laga rabo inaan fulino, ma nihin dad taas tabar u haya oo fulin kara "

Jaamac Maxamed Jaamac oo kamid ah mulkiileyaasha gaadiidak BL-ka, ayaa isna dhankiisa sheegay in ay u hoggaansan yihiin ammarrada ay dowladdu soo saartay, balse ay arrintani tahay mid wakhti iyo dhaqaale u baahan.

"Dowladdu waa dowladdayadii, waanan ayidsan nahay, balse amarkaasi waa nagu culus yahay, mana ahan mid xilligan aan u hoggaansami karno. Hadii ay dowladdu gaacn nasiiso diyaar baan nahay inaan sida nala faray yeelno" Jaamac Maxamed ayaa yiri.

26-dii bishii lasoo dhaafay ee August ayey ahayd markii kulan xarunta wasaaradda amniga ee Garoowe ka dhacay laga soo saaray amarro lagu farayey mulkiileyaasha gaadiidka BL-ka, in laga bilaabo 10-ka bisha September aysan isticmaali Karin basaska albaabka kuleh dhinac jidka xiga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland