4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Wafdi uu horkacayo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba oo ku wajahan Magaalada Brussels ee Dalka Biljamka (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo hogaamiyamaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa maanta ka duulay magaalada Kismaayo. Wafdigan ayaa kusii jeeda magaalada Nairobi halkaasoo la filayo inuu uga sii ambabaxo magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljamka.

Wafdigan ayaa waxaa sagootiyay odoyaal iyo mas'uuliyiin maamulka Jubba ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Jubba Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Far-taag) iyo guddoomiye ku-xigeenka maamulkii KMG ahaa ee degmada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).

Madaxa maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in uu ku wajahan yahay dalka Biljamka, halkaasoo uu xusay in uu uga qeybgali doono shirka looga hadli doono arimaha Soomaaliya ee ka dhici doona dalkaas.

La-taliyaha hogaamiyaha maamulka Jubba ee dhinaca Siyaasadda C/qani Cabdi Jaamac, oo warbaahinta kula hadlay garoonka aya isna sheegay in Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay ka qeybgali doonaan shirka ka dhici doona dalka Biljamka, isagoona intaa ku daray in wafdiga ka socda maamulka Jubba ay la hortagi doonaan shirkaasi arrimo badan oo ay kamid yihiin sidii gacan looga siin lahaa dhinacyada ammaanka iyo dib usoo kabashada dhanka dhaqaalaha.

Shirka Hiigsiga cusub ayaa la filayaa in 16-ka bishan uu ka furmo magaalada Brussels, iyadoona shirkaasi looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii dhaqaale toos ah loo siin lahaa dalka Soomaaliya.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya