3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2013
Ururka Xallinta khilaafaadka XAQSOOR oo ku howlan xal u hielidda khilaaf ka dhexeeya Beelo wada dega Xuddun (SAWIRRO)


Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Ururka xallinta iyo ka-hortaga khilaafka ee lagu magcaabo XAQSOOR ayaa bilaabay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xallinta khilaaf u dhexeeya laba beelood oo wada-dega degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Cali Axmed Cali oo ka mid ah mas’uuliyiinta XAQSOOR oo kulan waxgaradka labada beelood kula qaatay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in ay ka qaybqaadan doonaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka ladadaas beelood ee walaalaha ah u dhexeeya.

Khilaafkan oo taagnaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa ka billowday markii nin hubaysani uu duleedka degmada Xuddun ku dilay nin kale, kaas oo beeshiisu ay soo qabteen, balse ilaa haatan aan wax xal ah loo helin.

Waxgaradka degmada Xuddun iyo magaalada Laascaanood ayaa isku dayay dhex-dhexaadinta labadaas boolood, iyagoo dhowr jeer oo horana ku guul daraystay in arrintan xal laga gaaro.

Lama saadaalin karo halka ay arrintani sal dhigan doonto; balse inta badan waxaa la isku halleynayaa gacan ku hayta dambiilayaashii oo ku xiran xabsiga Laascaanood.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
9/13/2013 10:24 AM EST
Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Qoraalka ay sida wadajirka ah u soo saareen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Catherin Ashton oo ka mid ah madaxda sare ee ururka Midowga Yurub ayay daah-fur uga dhigeen inaysan jirin cid dafiri karta in Soomaaliya meel fog ka timid.

9/13/2013 3:50 AM EST
Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Shirweyne ka socda Baydhabo ayaa looga dhawaaqay Khamiistii shalay ahayd musharraxii ugu horreeyay ee isku soo sharraxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo ah Dr. Aweys Sheekh Muxyadiin, iyadoo ay taageero u muujiyeen waxgarad iyo aqoonyahanno shirka ka qaybgalaya.

9/13/2013 3:30 AM EST
Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay si xoog ah uga rartay tobannaan kun oo barkacayaal ah kaamam ay ku noolaayeen oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

9/13/2013 3:02 AM EST
Jimce, Sebtember 13, 2013 (HOL)- Iyadoo shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose weerar is-miidaamin ahaa lagula beegsaday hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa waxaa arrintaas si aad ah u cambaareeyey mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.