4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Mareyankanka oo shaaciyay inuu soo dhaweynayo Mowqifkii Soomaaliya ka qaadatay Xaaladda ka Taagan Dalka Siiriya

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya, James McAnulyt ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweynsayso go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya uga mid noqotay 33 waddan oo taageeray go’aankii lixdii bishan laga gaaray arrimaha Siiriya.

“Soomaaliya waxay fikir wanaagsan ka muujisay arrinta ku saabsan hubka kiimikada ah, iyadoo aqbashay heshiiskii laga gaaray hubka kiimikada ah 29-kii May ee sannadkan 2013, waxayna ka mid noqotay 189 dal oo heshiiskaas aqbalay,” ayuu ergaygu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Ergaygu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka mid noqotay dalal ka mid ah kuwa ku jira jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka oo cambaareeyay sida arxan-darrada ah ee maamulka Asad uu ugu weeraray hubka ka sameysan kiimikada shacab ku noolaa deegaan ku dhow magaalada Dimishiiq.

“Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ogolaaday in tallaabo caalami ah laga qaado dalka Suuriya,” ayuu ergaygu mar kale ku yiri qoraalkiisan.

Inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay arrintan ka tiri ayaa haddana hadalka ergayga wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Mareykanka iyo dalal reer galbeed ah ay dadaal ugu jiraan sidii dunida ay uga dhaahicin lahaayeen in weerar lagu qaado dalka Suuriya.

Mareykanka ayaa wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay ee dowladda Soomaaliya aqoonsada 22-sano oo colaado ah kaddib, iyadoo arrintani ay u muuqato mid ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso xiriirka Mareykanka ay la leedahay.

Dalka Suuriya ayaa wuxuu saaxiib weyn la ahaa Soomaaliya intii uusan dalku gelin burburka iyo colaadaha sokeeye, iyadoo Suuriya ay ka mid ahayd dalalka fara ku tiriska ah ee Soomaalidu aysan u qaadan jirin dal-ku-galka ama fiishaha marka ay doonayaan inay dalkaas booqdaan ama ganacsi u tagaan.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo bishan 16-keeda lagu wado in shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya uu ka furmo magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo ururka Midowga Yurub uu gar-wadeen ka yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya