4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Al-shabaab oo Sheegatay inay Mas'uul ka ahayd Weerarkii Kismaayo lagula beegsaday Maanta Sheekh Axmed Madoobe

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay weerarkii maanta Sheekh Axmed Maxamed Islaam lagula beegsaday bartamaha magaalada Kismaayo, iyagoo sheegay inay ku dileen ciidammo, waxgarad iyo ajnabi la socday gaadiidkii uu Sheekh Axmed Madoobe watay.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa hadal kooban oo uu siiyay warbaahinta ku hadasha Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ku talo-gal ah oo ay doonayeen inay ku dilaan Sheekh Axmed Madoobe.

Inkastoo afhayeenka howgallada ee AL-shabaab uusan sheegin khasaare ay ku gaarsiiyeen weerarkooda Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu xusay in hadafkii ay ka lahaayeen ay ka gaareen.

Al-shabaab oo magaalada Kismaayo laga saaray dhammaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2012, iyadoo tan iyo markii laga qabsaday Kismaayo oo ahayd xaruntooda ugu weyn Soomaaliya ay ka fulinayeen weerar kala duwan oo ay ku jireen kuwo ismiidaamin ah.

Dhanka kale, Sheekh Axmed Madoobe oo kula hadlay magaalada Kismaayo warbaahinta ayaa sheegay inaysan waxba soo gaarin, balse uu qaraxu ahaa mid la doonayay in lagu qaarijiyo, isagoo tacsi u diray dadkii weerarkaas ku naf-waayay.

“Weerarku wuxuu ahaa mid la doonayay in aniga la igu dilo, laakiin waxba ima soo gaarin, dagaalka aan kula jirno Al-shabaabna waa mid socon doona waayo kooxdan waa kuwo ay ka go’an tahay inay dilaan qof walba oo ay u arkaan inuu diidan yahay fikirkooda,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Qaraxii lagu weeraray hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lala beegsado, waxaan lagu soo beegay xilli uu ku laabtay Kismaayo isagoo ka ambabaxay Muqdisho oo uu dhowr casho booqasho ku joogay.

Maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxay bishii la soo dhaafay ay heshiis dhowr qodob ka kooban ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo labada dhinac ay ku sheegeen inay tahay mid qayb ka ah horumarka laga gaaray dib u heshiisiinta dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya