4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Dowladda Sierra Leone oo sheegtay inay guuto ciidankeeda ah a Somalia u dirayso Horraanta Sannadka soo socda

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Madaxa xiriirka bulshada iyo is-gaarsiinta ee ciidamada dalka Sierra Leone, Col. M. M. Samura ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidammo u diri doono Soomaaliya kuwaasoo ku shaqeynaya magaca AMISOM.

Col. Samura ayaa sheegay in ciidamadan ay tegi doonaan Somali horraanta sannadka soo socda ee 2014, kuwaasoo uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu billaabi doono tababarkii ay ku shaqeyn lahaayeen.

“Wasaaradda gaashaandhigga Sierra Leone waxay dhawaan billaabi doontaa tababarka guutadii labaad oo ciidammo ah, kuwaasoo loo dirayo Somali, si ay u soo bedelaan ciidamadii la geeyay horraantii sannadkan,” ayuu yiri Col. Samura.

Sarkaalku wuxuu sheegay in guuto kasta oo ciidamadooda ka tirsan ay joogi doonaan Soomaaliya muddo hal sano ah, isagoo xusay in ciidamadii hore ee ay u direen Soomaaliya ay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda horraanta sannadka soo socda marka ay tagaan ciidamada badalaya.

“Waxaan helnay warbixin cad oo sheegaysa in ciidamadeenna cusub halkaas (Soomaaliya) la geyn doono, uuna hoggaamin doono sarkaal sare oo dalka Sierra Leone u dhashay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Col. Samura wuxuu sheegay in madaxweynaha Sierra Loene oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalkaas, Ernest Bai Koroma uu amray in 850 askari oo Sierra Leone kaga sugan Soomaaliya kana mid ah AMISOM dib loo soo celiyo, kuwo cusubna lagu bedelo.

Wasiirka gaashaandhigga Sierra Leone, Major Alfred Palo Conteh ayaa hoosta ka xariiqay in guutada ciidamada ah ee Soomaaliya loo dirayo la siin doono tababarro dheeraad ah si ay uga hortagaan kuwa weerarrada habka jabhadeynta ah kusoo qaadayay saldhigyadooda iyo goobaha ay howlgallada ka sameynayaan.

Ciidamada Sierra Leone oo ka howlgelaya Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhowr jeer lala beegsaday weeraro toos ah iyo kuwo qaraxyo ah, kuwaasoo ay kasoo gaareen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya