4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Madaxweynaha Somalia oo si adag u Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Hoggaamiyaha Maamulka Jubbooyinka

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu dhaawacay hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

“Dowladda Somaaliyeed aad  ayay u cambaareynaysaa weerarkii Sheekh Axmed Madoobe lala beegsaday. Waxaan leeynnahay shacabka gobollada Jubbooyinka meel  ha uga soo wadajeestaan, kuwa geysanaya weerarrada noocan oo kale ah. Allaah ha u naxariisto intii dhimaatay, sidoo kalena caafimaad deg-deg ah ayaan u rajenaynaa intii dhaawacyadu ay soo gaareen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba  inay ka shaqeeyaan soo qabashada dhagar-qabayaasha weerarradan oo kale la beegsanaya, ayna ka xoreeyaan Al Shabaab gobolladaas oo dhan.

Ugu dambeyn, madaxaweynaha ayaa yiri: ”Weerarkan wuxuu tusaale cad u yahay naf-lacaariga iyo dhabar-go’a kooxda Al-shabab, waxaa jab kusii noqday is-fahamka ummadda Soomaaliyeed dhexmaray.”

Weerarka lagu dhaawacay Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo dad badan oo isugu jiray shacab iyo askar ay maanta ku dhinteen weerarkaas tiro kalena ay dhaawacyo kala duwani kasoo gaareen.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa saakay dib uga laabtay Muqdisho oo uu dhowr maalmood ku joogay booqasho, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu bartilmaameedsado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya