3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Qurbo-joogta Somaliland oo ku xayiran Hargeysa iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo Arrintaas ku dhaliilay Xukuumadda (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Muwaadiniin reer Somaliland ah oo  ka yimid dibadda oo Raaci lahaa Diyaarada Itoobiya, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ku xanibnaa magaaladda Hargeysa, kuwaas oo madaarka Hargeysa ka raaci lahaa Diyaaraddaasi.

Muwaadiniintan ku cadiban magaaladda Hargeysa ayaa iskugu jira Arday wakhtigu ka dhacayey iyo dad shaqo tagayey, kuwaas oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey horjoogay xafiiska Diyaaradaasi ku leedahay magaaladda Hargeysa.

“Anigu waxaan ka mid ahay waalidka ardaydaasi Deeqda waxbarasho heshay ee diyaaradan raaci lahaa, waxaana tikidh ka soo jaranay diyaarad aan u bixiyey Lu’gooyo oo itoobiya laga leeyahay, todobaad maanu shaqo tagin oo waanu isdaba wareegaynaa cid allaale cid lala hadlayana ma garanayno, lacagtiina way naga haystaa wasaaradii duulistuna ilaa hada waxba kamay qaban”ayuu yidhi mid kamid ah waalidka ardayda raaci lahayd diyaaraddaasi oo ku socday Suudaan.

Hooyo caruur haysatay oo aad u murugaysnayd, isla markaana caruurtii ka ag ooyeysay ayaa tidhi “waxaanu nahay dad muwaadinin oo wadankoodii yimid, markii aan is nidhi noqdana waxay diyaaradii Itoobiya joojisay inay Somaliland timaado, ardaydii iskuuladii waa laga horgalay, aniga shaqadayadii way iga dhacday tikidhna ma haysto, marka walaal xal aanu ku baxno ayaanu rabnaa”.

“Markii aanu si hoose u waraysanay waxay diyaaradu ku adkaysanaysaa in aanu madaarku dhamaystirnayn oo aanay soo fadhiisan Karin iyo Xaga amniga oo aan fiicnayn, halka wasiirkuna ku adkaysanayo inay madaarku dhamaystiran yahay inay Berbera fadhiistana waa loo diiday, khilaafka labadda dhinac ka jira waxa uu ku dhacay rakaabkii, oo culayska diyaarada la saaray waxay sii saartay dadkii raaci lahaa”ayuu yidhi mid ka mid rakaabkaasi, waxaanu intaas ku daray “waxan leeyahay  dadka iyo xisbiyada mucaaradka ah kulmiye kolay rajo kama qabo doorasho dambe ee xisbiyada kale waxaan leeyahay kaalaya oo dadkan kala soo qaybgala mudaharaadka oo wasiirka runta u sheega oo diyaaradi noo keena”

Dhinaca kale, waxa isna maanta ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawadda Axmed Dalal Faarax, waxaanu sheegay inuu madaarku dhamaystiran yahay, isla markaana ay shirkaddi wada hadal uga socdo sidii ay u iman lahayd madaarka.

Agaasimaha ayaa sheegay in shirkadda uun ku kooban tahay joojintaasi, isla markaana ay tahay shirkad xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo Somaliland, waxaanu xusay inay shirkadaha diyaaraduhu qireen in madaarka si caalami ah loo dhisay oo ay ku soo degeen.

Agaasimuhu wuxuu beeniyey in aanu madaarku dhamaystirnayn iyo in lacagtii lagu dhisayey la lunsaday, waxaanu xusay in Duuliyihii diyaaradda Itoobiya marki uu madaarka ku soo degay uu sheegay in si fiican loo dhisay ayna iman doonaan, laakiin ilaa hadda ma sheegin sababtay u joojiyeen duulimaadkoodii.

Sidoo kale waxa iyaguna arrinntan aad ugu dhaliilay xukuumadda xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo jaanis u helay inay xukuumadda ku cambaareeyaan dhamaystir la’aanta madaarka iyo Rakaabkaasi ay diyaaradda Itoobiya qaadi wayday ee ku xaniban Hargeysa.

Xisbiga UCID iyo Wadani ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay diyaaradda culays ku saartay in madaarka oo aan dhamaystirnayn soo fadhiisato, isla markaana u diiday inay diyaaradu ku soo degto madaarka Berbera oo ay hore u fadhiisan jirtay, taasina ay keentay inay gabi ahaanba joojiso duulimaadkii ay Somaliland ku iman jirtay.

Xukuuumadda ayaa iyaduna ku dadaalaysa sidii dhaliishaa dul Hogan iskaga qaadi lahayd, isla markaana wefti laba wasiir ka kooban u dirtay magaaladda Addis ababa si ay xukuuumada dhexe ee Itoobiya ula soo hadlaan, isla markaana ugu qanciyaan sidii duulimadkii u bilaabi lahayd diyaaradaasi.

Wararka aanu ka helayno sababta ay duulimaadkii u joojisay diyaaradaasi ayaa sheegaya inay  shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ku qancisay wasaarada Duulista in aanay suurtogal ahayn in Run-wayga madaarka oo yar darteed ku soo degi karin madaarkan iyo in madaarka Deyr lagu xidho si amniga loo adkeeyo, isla markaana dad iyo xoolaba looga xidho madaarka, haseyeeshee xukumadda ayaan labadaasi qodob ku qancin, sidaa darteed isku dayday inay ku cadaadiso diyaaradda inay madaarka Hargeysa ku soo degto, taasina ay keentay in diyaaradii joojisay gabi ahaanba duulimaadyadii ay Somaliland ku iman jirtay, iyadoo rakaabkii ay lacagta ka haysayna ku wargelisay inay madaarka Jiga jiga yimaadaan.

Haseyeeshee xukuumadda oo arrimhaasi ceeb u aragta ayaa diiday inay madaar kale ka dhoofaan rakaabkii la socay diyaaradda, ka dibna laba wasiir u dirtay Itoobiya si ay arrintaasi ugala soo xaajoodaan.

Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay shirkadu tahay mid ganacsi tahay, sidaa darteed hadba meesha ay dantooda tahay uun ay tagayso, waxaanu difaacay in aanay diyaaraddu madaarka Hargeysa uga baaqan tayo xukumo iyo Amni daro  toona.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaa aad loogu dhaliilay joojinta ay diyaaradaasi joojisay duulimaadyadii Somaliland ku imanaysay iyo ka bixitaankii shirkad sahaminaysay shiidaalka oo iyana dalka si kadis ah uga baxday ka dib markii goobihii ay baadhaysay dadkii deganaa iyo shirkaddu khilaaf soo kala dhexgalay, waxaanay dadka deegaanku ku doodayeen in la shaqaalaysiiyo maadaama oo deegaankoodda shaqo ka socota, taasina waxay keentay in dhawr jeer la rasaaseeyo shirkadda ka dibna ay go’aan degdeg ah qaaday oo ay ka baxday gabi ahaanba Somaliland, inkastoo wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasiirka Macdant aiy Tamarta uu shirkadaasi wada hadal uga socdo magaaladda London.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland













Click here
9/12/2013 3:07 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Tababar ku saabsanaa sida ay haweenku isaga difaaci karaan kursiga oo maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta AMISOM ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka faa’iideysteen 20 haween ah oo ka kala socday gobollada Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Shabeellada dhexe.

9/12/2013 12:49 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya, James McAnulyt ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweynsayso go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya uga mid noqotay 33 waddan oo taageeray go’aankii lixdii bishan laga gaaray arrimaha Siiriya.

9/12/2013 12:47 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay weerarkii maanta Sheekh Axmed Maxamed Islaam lagula beegsaday bartamaha magaalada Kismaayo, iyagoo sheegay inay ku dileen ciidammo, waxgarad iyo ajnabi la socday gaadiidkii uu Sheekh Axmed Madoobe watay.

9/12/2013 12:45 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Madaxa xiriirka bulshada iyo is-gaarsiinta ee ciidamada dalka Sierra Leone, Col. M. M. Samura ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidammo u diri doono Soomaaliya kuwaasoo ku shaqeynaya magaca AMISOM.

9/12/2013 11:16 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo looga dooday qodobbo ka mid ahaa kuwii kasoo baxay shirkii culumada Soomaaliyeed ee looga hadlay sida looga hortagi karo ku talax-tagga diinta ama xag-jirnimada.

9/12/2013 11:14 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde (Aamina Weris), ayaa munaasibad ay ku dhiirigalinayso haweenka ciidamadda kala duwan ku jira ee darajooyinka la siiyey ugu qabatay magaaladda Hargeysa.

9/12/2013 9:37 AM EST
Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Madaxa maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada kismaayo ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo.

9/12/2013 9:17 AM EST
Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo gordhow warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in uu caafimaad qabo madaxa maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

9/12/2013 8:40 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu dhaawacay hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

9/12/2013 8:25 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wafdi k socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ka kooban xildhibaanno iyo golaha wasiirrada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka, kaddib markii dhawaan loo diiday inay halkaas tagaan.

9/12/2013 8:19 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Kulan ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, haween iyo odayaal kasoo jeeda beelaha Jareer-weyne ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

9/12/2013 7:35 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Hoteel ku yaalla magaalada Baydhabo oo ay deggenaayeen qurbo-joog kasoo jeeda goballada Bay iyo Bakool oo doonayay niay ka qaybgalaan shirweynaha lagu sameynayo maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa lagu weeraray bam-gacmeed.

9/12/2013 7:11 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo ka mid ah hoggaamiyeyaha maamulka KMG ah ee Jubba oo saakay ka dhoofay Muqdisho uu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo baqonimadii maanta.

9/12/2013 7:00 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Weerar la sheegay inuu ku dhintay Cumar Shafiiq Xamaami oo ah hoggaamiye horay uga tirsanaa Al-shabaab iyo laba ruux oo kale oo mid uu ahaa ruux ajnbi ah oo dhalashadiisu ay ahayd Pakistan ayaa lagu dilay deegaan 30-km bari kaga beegan degmada Baardheer ee gobolka Gedo.

9/12/2013 6:51 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon C/dulle Macalin Siyaad oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada.

9/12/2013 4:47 AM EST
Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Wafdi ballaaran oo ay horkacayeen madaxa maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo kuxigeenkiisa Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kasoo dagay garoonka magaalada Kismaayo.

9/12/2013 2:29 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayay xagjirnimada iyo ku talax-tagga diinta islaamka oo shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa laga soo saaray fadwo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo looga digay dadka Soomaaliyeed inay ku biiraan ama ay caawiyaan.

9/12/2013 1:41 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Daadad ka dhasha fatahaad uu webiga Shabeelle sameeyo ayaa laga baqdin qabaa inay ku dhuftaan xarunta gobolka Shabeellada dhexe ee Jowhar, halkaasoo tan iyo xalay ay ka jirtay barakac ay sameynayeen dadka degmadaas ku nool.