4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Wafdi ka socda dowladda Federaalka Somalia oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wafdi k socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ka kooban xildhibaanno iyo golaha wasiirrada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib markii dhawaan loo diiday inay halkaas tagaan.

Xubnaha wafdigan oo uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Macallin Yaxye oo isla markaana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, ayaa u tagay halkaas sidii ay shahaadooyin u guddoonsiin lahaayeen koox macallimiin ah oo Baydhabo tababr loogu soo xiray.

Wafdigan oo ay magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyeen waxgaradka, maamulka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Baydhabo taga tan iyo markii laga soo saaray go’aan mas'uuliyiinta dowladda looga mamnuucay inay halkaas tagaan.

Dhanka kale, wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in loo diiday maanta inuu magaaladaas ka dhoofo guddoomiyaha gobolka Baay ee dowladda Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosoow, iyadoo la sheegay inay is-hortaageen waxgaradka uu shirku uga socdo Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha Soomaaliya u raacaya shirka toddobaadka soo socda ka furmaya Brussels ee looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxgaradka gobolka Bay ayaa la sheegay in guddoomiyaha ay ka dalbadeen inuusan inta shirweynah uu ka dhammaanayo uusan ka bixin degmada, maadamaa uu isagu yahay mas’uulkii ugu sareeyey dowladda federaalka ee gobolka Baay.

Lama oga inuu aqbalayo guddoomiyahu iyo in kale, inkastoo la sheegay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in guddoomiyaha loo fasaxo inuu ka qayb-gasho shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya