4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Kulan isugu Jiray Wada-tashi iyo soo-dhaweyn oo Beelaha Jareer-weyne ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Kulan ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, haween iyo odayaal kasoo jeeda beelaha Jareer-weyne ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Ujeeddada kulankan ayaa ahaa sii sagootinta iyo isbarashada aqoonyahan kasoo jeeda beeshaas oo lagu magacaabo, Cabdulqaadir Muudey Cabdi oo ka mid ahaa ka qeyb galyaashii shirweynihii Qaran geedi socodka siyaasadda  Soomaaliya oo toddobaadkii hore lasoo gabgabeeyay.

Kasoo qayb-galayaasha kulanka ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin shirkii Qaran ee geeddi-socodka siyaasadda dalka iyo imaasnaha C/qaadir Muudeey oo dalka ka maqnaa muddo 34-sano ah iyagoo xubnaha kale ee dalka maqan ugu baaqay inay iyaguna yimaadaan si ay qaybtooda uga qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy oo ahaa guddoomiyaha qaban-qaabada oo ka hadlay xaflada ayaa u mahadceliyay kasoo qayb-galayaasha isagoo hadalkiisa oo meelo badan taabanayay ayuu ku ayiday hadallo ay halkaas ka soo jeediyeen shacabka degga gobolka Shabeellada dhexe kaasoo ku salka ku hayay booqashadii Madaxweynaha uu ku tagay gobokaas isagoo sheegay inuu ahaa mid qayb ka ahaa safarro uu madaxweynuhu ku tagay gobollada dalka qaarkood.

Dadkii kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa: Max’ed Jabriil Ibraahim, nabaddoon Abuukar Xaamuud Yare, Ugaas Aweys Sheekh Xuseen [Honera], Dahawa Suusow Maxamed, Faadumo Abuukar Mahdi, Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy, Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Cumar Maxmuud, Cabduqaadir Muudey Cabdi iyo Prof. Maxamed Cumar Dalxa, waxayna dhammaantood cabirayeen doorka siyaasada Beelaha Jareer weyne ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Aqoonyahan Cabduqaadir Muudey oo qudbad dheer ka jeediyay kulanka ay yeesheen beelaha Jareer-weyne ayaa ka warbixiyay shirweynaihii Qaran ee wadatashiga Geeddi socodka siyaasada dalka, isagoo sheegay in dhammaan shacbka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay qodobbadaas shirkaas qayb ka qaataan sidii ay u hirgeli lahaayeen.

“Aniga shirkaas waxaan ku matalayay bahweynta Jareer-weyne casuumadda waxaan ka helay dowaldda, runtiina si aad ah ayaan ugu faraxsanahay inaan ku soo laabto dalkayga aana la kulmo dadka aan kasoo jeedo,” ayuu yiri C/qaadir Muudeey oo ka halay kulanka.

Sidoo kale, aqoonyahankan wuxuu ku boorriyay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool jiinka labada webi ee Soomaaliya inay u sitaagaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda muddada dheer burburka ku jiray.

Ugu dambeyn, xildhibaanka Maxamed Cumar Dalxa ayaa hadal uu isaguna ka jeediyay kulanka wuxuu kula hadlay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku abtirsada beelaha Jareer-weyne, isagoo yiri: “Soomaalida waxaan ugu baaqayaan wax walba inay nabad ku raadiyaan, beelaha jareer waa kuwo nabadda jecel 95%, waxaana ugu baaqayaa shacabka inaysan marna taageerin noocyada kala geddisan ee nabad-diidka ah ee beryahan kusoo kordhay dalkeen.”

Xaflada ayaa ku soo idlaatay hjwi farxadeed, qado sharaf iyo kulummo gooni-gooni ah oo lala yeelanayay aqoonyahan Cabdulqaadir Muudey Cabdi oo muddo dheer dalka ka maqnaa.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya