4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Sheekh Axmed Madoobe oo la sheegay in uu Dhaawac ka soo gaaray Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Kismaayo

Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo ka mid ah hoggaamiyeyaha maamulka KMG ah ee Jubba oo saakay ka dhoofay Muqdisho uu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo baqonimadii maanta.

Inkastoo isgaarsiinta la jaray markii uu weerarku dhacay ayaa wararkii laga helayo Kimaayo intii aan isgaarsiinta la jarin waxay sheegayaan in dhaawac ka gaaray qaybta sare ee jirkiisa, iyadoo la dhigay isbitaal ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ku leeyihiin ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay ruux naftiis hure ahaa oo saarnaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxan, iyadoo la sheegay in dad ka badan 10-qof ay ku dhinteen is-qarxinta iyo rasaas ay fureen ilaaladii Sheekh Axmed Madoobe.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan weerarkaas, iyadoo tani ay noqonayso weerarkii ugu horreeyay oo noociisa ah oo lala beegsado hoggaamiyaha maamulka Jubba ee dhawaan heshiiska la galay dowladda Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, iyadoo xalaadda magaalada Kismaayo ay aad u kacsan tahay, waxaana la xiray gabi ahaan goobaha ganacsiga ee magaaladaas.

Xarakada Al-shabaab oo magaalada Kismaayo laga saaray bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayaa dhowr jeer qaraxyo ka geystay magaaladaas iyagoo ku qaadayay weerarro xilliyadii ugu dambeeyay.

Sheekh Axmed Madoobe oo toddobaadkan soo gaaray Muqdisho ayaa kulammo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkastoo uu saakay si lama filaan ah uga baxay Muqdisho.

Wararka ku saabsan weerarkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya