4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Sh. Axmed Madoobe iyo Wefdigii uu hoggaaminayay oo dib ugu soo laabtay Xarunta Jubbada Hoose ee Kismaayo (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Wafdi ballaaran oo ay horkacayeen  madaxa maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo kuxigeenkiisa Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kasoo dagay garoonka magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka waxa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, ciidamo, saraakiil, odoyaal iyo haween, waxaana madaxweynaha maamulka Jubba iyo ku xigeenkiisu ay salaan sharaf ka qaateen ciidamadii garoonka kusoo dhaweeyay.

Kuxigeenka madaxa maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii ay ku aadeen magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in mudadii ay ku maqnaayeen Muqdisho ay kulamo kala duwan la qaateen masuuliyiinta dowlada iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubooyinka.

“Waxaa jiray sidaad la socotaanba dadyow wax tabanayay, dadkii iyaga ahaa heshiis buuxa baanu soo wada qaadannay, madaxweeynaha Jubbaland aad buu arintaasi isugu dhabarjabiyay siduu dadka isugu keeni lahaa, una raali gelin lahaa, ayna isugu imaan lahaayeen,” ayuu mas'uulkani hadalkiisii raaciyay.

Mas'uulkan ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada oo uu sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen sidii guul looga gaari lahaa wadahadalladii ay Muqdisho kula qaateen odoyaasha beelaha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka.

Ugu danbeyn Jen. Fartaag ayaa sheegay in dhawaan gudaha magaalada Kismaayo uu ka furmi doono shir dib-u-heshiisiin ah, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Jubooyinka in ay kasoo qeybgalaan shirkaasi.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya