3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Shirweynihii looga hadlayay Xagjirnimada oo laga soo saaray Fatwo diini ah oo ka digaysay taageeridda Al-shabaab (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayay xagjirnimada iyo ku talax-tagga diinta islaamka oo shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa laga soo saaray fadwo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo looga digay dadka Soomaaliyeed inay ku biiraan ama ay caawiyaan.

Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ka socday Muqdisho 07-dii illaa 11-kii bishan, iyadoo qodobbadii laga soo saaray ayaa waxaa ku jiray in dagaalka lagula jiro Al-shabaab hal meel looga soo wada-jeesto.

Fatwada Culumada:

  1. Kooxda Al-shabaab waa koox baadiyeysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah.
  2. Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo.
  3. Kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab waxaa ku waajib ah inay Alle uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dambiyeedyadooda foosha xun.
  4. Ma bannaana in lagu biiro kooxda Al-shabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee.
  5. Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Al-shabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Al-shabaab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh.
  6. Waxaa xaaraan ah in loo ergeeyo ama laga shaqeeyo sii xabsiyada looga sii dayn lahaa eedeysanayaasha Al-shabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dowladda.
  7. Waxaa waajib ku ah madaxda dowladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada Al-shabaab, muwaadiniintana waxaa waajib ku ah inay dowladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab talooyinka shirweynaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka qayb-galay xirtaankii shirkan ayaa sheegay in dowladdu ay muddo ku wareersanayd dhibaatada xagjirnimada, balse ay maanta dawadeedii heleen.

“Muddo ayaan ku wareersanayn mushkiladda xagjirnimada iyo la dagaalanka Al-shabaab, waan ku faraxsan nahay jawaabaha waafiga ah ee loo helay mixnaddan. Dowladdu ma diidayso in fikradaha lagu kala duwanaado ee waxay diidan tahay is-qarxinta iyo qalqal-galinta nabdgalyada. Qodobbada kasoo baxay shirkan waan soo dhaweyneynaa, waxaan ballan-qaadayaa in aan ku dhaqmi doono bayaanka aad soo saarteen. Berri ayaan uga hadlaynaa shirka golaha wasiirradda. Xagjirnimadu waxay caqabad ku tahay hiigsigeenna, laakiin nasiib-wanaag taladiinu waxay timi xilligii loo baahnaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isaguuna hadlay ayaa sheegay in meel looga soo wada-jeensto fikirka Al-shabaab, isagoo ku tilmaamay in manhajka khaldan ee Al-shabaab  uu baal-marsan yahay shareecada iyo qiyamka Islaamka.

“Waa in mishkiladdan iskaashi buuxa ay ka sameeyaan bulshada Soomaalida oo dhan, waana arrinka keliya ee lagu daaweyn karo. Dhibaatadaan waxay timid kaddib markii la dayacay diinta, daawaduna waxay ku jirtaa in la toobad keeno Ilaahayna loo noqdo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Shirkan ayaa waxaa horraantii toddobaadkan magaalada Muqdisho ka furay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh isagoo xilligaas sheegay inay meel-marin doonaan qodobbada kasoo baxa shirkan oo uu ku tilmaamay mid qiimo gaar ah ugu fadhiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/12/2013 3:07 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Tababar ku saabsanaa sida ay haweenku isaga difaaci karaan kursiga oo maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta AMISOM ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka faa’iideysteen 20 haween ah oo ka kala socday gobollada Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Shabeellada dhexe.

9/12/2013 12:49 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya, James McAnulyt ayaa sheegay in dowladdiisu ay soo dhaweynsayso go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya uga mid noqotay 33 waddan oo taageeray go’aankii lixdii bishan laga gaaray arrimaha Siiriya.

9/12/2013 12:47 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay weerarkii maanta Sheekh Axmed Maxamed Islaam lagula beegsaday bartamaha magaalada Kismaayo, iyagoo sheegay inay ku dileen ciidammo, waxgarad iyo ajnabi la socday gaadiidkii uu Sheekh Axmed Madoobe watay.

9/12/2013 12:45 PM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Madaxa xiriirka bulshada iyo is-gaarsiinta ee ciidamada dalka Sierra Leone, Col. M. M. Samura ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidammo u diri doono Soomaaliya kuwaasoo ku shaqeynaya magaca AMISOM.

9/12/2013 11:16 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo looga dooday qodobbo ka mid ahaa kuwii kasoo baxay shirkii culumada Soomaaliyeed ee looga hadlay sida looga hortagi karo ku talax-tagga diinta ama xag-jirnimada.

9/12/2013 11:14 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamed Jirde (Aamina Weris), ayaa munaasibad ay ku dhiirigalinayso haweenka ciidamadda kala duwan ku jira ee darajooyinka la siiyey ugu qabatay magaaladda Hargeysa.

9/12/2013 9:37 AM EST
Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Madaxa maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada kismaayo ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo.

9/12/2013 9:17 AM EST
Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo gordhow warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in uu caafimaad qabo madaxa maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

9/12/2013 8:40 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu dhaawacay hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

9/12/2013 8:29 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimid dibadda oo Raaci lahaa Diyaarada Itoobiya, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ku xanibnaa magaaladda Hargeysa, kuwaas oo madaarka Hargeysa ka raaci lahaa Diyaaraddaasi.

9/12/2013 8:25 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wafdi k socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ka kooban xildhibaanno iyo golaha wasiirrada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka, kaddib markii dhawaan loo diiday inay halkaas tagaan.

9/12/2013 8:19 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Kulan ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, haween iyo odayaal kasoo jeeda beelaha Jareer-weyne ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

9/12/2013 7:35 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Hoteel ku yaalla magaalada Baydhabo oo ay deggenaayeen qurbo-joog kasoo jeeda goballada Bay iyo Bakool oo doonayay niay ka qaybgalaan shirweynaha lagu sameynayo maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa lagu weeraray bam-gacmeed.

9/12/2013 7:11 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo ka mid ah hoggaamiyeyaha maamulka KMG ah ee Jubba oo saakay ka dhoofay Muqdisho uu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo baqonimadii maanta.

9/12/2013 7:00 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Weerar la sheegay inuu ku dhintay Cumar Shafiiq Xamaami oo ah hoggaamiye horay uga tirsanaa Al-shabaab iyo laba ruux oo kale oo mid uu ahaa ruux ajnbi ah oo dhalashadiisu ay ahayd Pakistan ayaa lagu dilay deegaan 30-km bari kaga beegan degmada Baardheer ee gobolka Gedo.

9/12/2013 6:51 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon C/dulle Macalin Siyaad oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada.

9/12/2013 4:47 AM EST
Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Wafdi ballaaran oo ay horkacayeen madaxa maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo kuxigeenkiisa Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kasoo dagay garoonka magaalada Kismaayo.

9/12/2013 1:41 AM EST
Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Daadad ka dhasha fatahaad uu webiga Shabeelle sameeyo ayaa laga baqdin qabaa inay ku dhuftaan xarunta gobolka Shabeellada dhexe ee Jowhar, halkaasoo tan iyo xalay ay ka jirtay barakac ay sameynayeen dadka degmadaas ku nool.