4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo qarka u saaran inuu Webiga Shabeelle ku fataho


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Daadad ka dhasha fatahaad uu webiga Shabeelle sameeyo ayaa laga baqdin qabaa inay kusoo rogmadaan xarunta gobolka Shabeellada dhexe ee Jowhar, halkaasoo tan iyo xalay ay ka jirtay barakac ay sameynayeen dadka degmadaas ku nool.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cabsi weyn ay ka jirto degmada, balse maamulka iyo dadka deegaanku ay isku dayayaan inay ka horagaan in fatahaad uu sameeyo webiga.

“Daadad xoog leh oo kasoo fatahay webiga ayaa waxaa laga baqdin qabaa inay ku dhuftaan degmada, kuwaasoo hadda u jirta wax ka yar 500 oo tallaabo, laakiinse waxaa socda dadaallo badan oo looga hortagay inay soo galaan magaalada biyo,” ayuu yiri Yuusfu Cabdi.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaysan jirin wax gacan ah oo ay ka heleen dowladda Soomaaliya si looga hortago fatahaadda laga baqadinta qabo inay ku dhufato magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa iyaguna HOL u sheegay inay cabsida ugu xooggan ka jirto dhinaca galbeed ee magaalada halkaasoo laga baqdin qabo inuu webigu fatahaad ka sameeyo.

“Biyo xooggan oo ka imaanaya dhinaca webiga oo aad u buux-dhaafay ayaa dagaal lagula jiraan, shacabka intiisa badan waxay isku dayayaan inay ka horagaan in biyuhu ay magaalada soo galaan, runtiina wax walba waa dhici karaan,” ayuu yiri Xasan Jowhar oo ka mid ah dadka ku nool degmadaas.

Degmada Jowhar ayaa saakay dhaqdhaqaaqeedu aad uga duwan yahay sidii hore iyadoo aanay wax ganacsi ah oo magaalada ka furan maanta, waxaana sidoo kale hakad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waa markii ugu horreysay oo cabsi intaan le’eg ay soo wajahdo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay muddo sannad ka badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya