4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo Joojisay Duullimaadyadii ay ku tegi jirtay Somaliland iyo dad badan oo xayiran


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Somaliland iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay inay shirkaddaasi joojiso socdaalkii ay ku tegi jirtay Somaliland.

Arrintan ayaa waxay keentay in rakaab badan oo horay uga yimid dibadaha dalka haystana tigidhada shirkaddaasi ay ku xayiran yihiin hadda magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Dhanka kale wasiirro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa u jooga magaalada Addis Ababa sidii ay arrintan ugala hadli lahaayeen maaumulka shirkadda.

“Inkastoo aanan lahayn shirkadda Ethiopian Airlines haddana waxaan ka dalbaynaa inay qaaddo dadkii tikidhada ka haystay ama ay ku wareejiso shirkad kale oo ka howlgasha Somaliland,” ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda ee Somaliland, Cismaan Cabdullaahi Saxardiid oo ka hadlay dadka xayiran ee tigidhada ka haysta shirkadda Ethiopia Airlines.

Wasiirka duulista hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi  iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Mxamed Waran-cadde ayaa Itoobiya ku sugan si ay ugala hadlaan shirkadda sababta keentay in duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Somaliland ay joojiso.

Xukuumadda Somaliland ay sanadihii u dambeeyey dadaal weyn ugu jirtey sidii garoonka Hargeysa ay u imaan lahaayeen shirkado caalami ah, kaddib markii dayac-tir ballaaran lagu sameeyey.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan ay shaqadii joojisay shirkad shidaalka baarta oo ku sugnayd gobolka Togdheer oo ka mid ah gobollada Somaliland, islamarkaana aan weli la ogeyn sababta ay u joojisay baaristii shidaalka.

Warar ayaa sheegaya in nabadgalyo-darro awgeed shirkaddani howshii u joojisay, inkastoo maamulka Somaliland uu sheegay inaysan taasi jirin, ayna socdaan kulammo ay la leeyihiin madaxda shirkadda si loo ogaado sababta ay shaqada u joojisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya