4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Xarakada Al-shabaab oo degmada Buulo-burte ku toogtay dhallinyaro ay ku kala Eedeeyeen basaasnimo iyo Tuugo

Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ku toogatay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, laba dhallniyaro ah oo mid ka mid ah ay ku sheegeen inuu ahaa jaasuus u shaqeynayay dalal shisheeye , halka ruuxa kalena ay ku eedeeyeen inuu ahaa tuug dhacayay gaadiid xamuul ah oo ay ciidamadooda amnigu soo qabteen.

Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in labada dhallinyarada ah ay ku caddaadeen dambiyadii lagu soo oogay ayna dil ku xukumeen, iyadoo isla goobta lagu toogtay.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Axmed Nuur Sheekh Cali oo lagu eedeeyay jaasuunimo iyo Liibaan Cabdi Fiidoow oo isna lagu eedeeyey  inuu ahaa tuug lasoo qabtay isagoo dhac u geysanayay gaadiid xamuul waday.

Boqolaal dadaweyne ah ayaa ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay iyadoo ay dhallinyaradan toogteen kooxo Al-shabaab ka tirsan oo wajiyada ay u qarsanaayeen, kuwaasoo dhowr jeer ka toogtay madaxa.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in labada dhalliyarada ah ay horay uga mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab, inkastoo saraakiisha Al-shabaab eek u sugnaa goobtaas aysan sheegin ciddii ay ka tirsanaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Mire oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in qof walba oo lagu qabto isagoo faraha kula jira waxyaabo kasoo horjeeda ku dhaqanka shareecada Islaamka ay ku fulin doonaan xukunno noocan oo kale ah.

“Shareecada Islaamka waa waxa keliya ee aan nafteenna u hurayno, waana sii wadi doonnaa, innagoo cid walba oo lagu qabto dambiyo noocan oo kale ah waxaan marsiin doonna shareecada Islaamka waxay ka qabto,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab ku toogato deegaannada ay ka taliso dad ay ku eedeysay jaajuusnimo iyo tuugonimo, iyadoo sannadkan ku toogtay Buulo-burte iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose dhowr qof oo ay ku eedeeyeen jaajuusnimo, kuwaasoo ay ku jirtay gabar dhallinyaro ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya