4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Ciidamada Maamulka KMG-ka ah ee Jubba oo dad badan ku soo Qab-qabtay Howlgallo ay ka Sameeyeen Kismaayo

Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa howlgallo ay xalay ilaa saaka ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo waxay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo ku eedeysan falal lidi ku ah ammaanka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo xalay ku waabariisateeen bandow ayaa waxa howlgallo ballaaran ka fulinayay ciidamada loo yaqaan Boliis Militaaro, iyadoona howlgalladaasi ay ka soconayeen shanta xaafadood ee ay ka koobantahay degmada Kismaayo.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladii ay xalay ilaa saaka ay ka fuliyeen magaalada ay kusoo qabqabteen dad gaaraya ilaa 20 qof kuwaasoo ku eedeysnaa in ay ku howlanaayeen falal lidi ku ah ammaanka.

Magaalada ayaa  xalay ilaa saaka waxa lagu arkayay ciidamo raxan raxan u socdo iyadoona intii ay howlgaladani socdeen hawada laga saaray gabi ahaanba isgaarsiinta magaalada.

Dhinaca kale, ciidamada nabad-sugidda maamulka Kismaayo ayaa shalay gelinkii danbe waxa ay ku guuleysteen in ay soo saaraan Miino lagu aasay mid kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Miinadan oo ahayd mid aad u weyn islamarkaana la sheegay in ay qasaarooyin lixaad leh geysan lahayd hadii ay qaraxi lahayd ayaa laga soo saaray wadada dheer ee marta xaafadda Calanleey, gaar ahaan ilinka hore ee isbitalka guud ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya