4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu Horkacayo oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta (SAWIRRO)


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ka furmayo shir looga hadlayo ka hortagga burcad-badeedda.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa: wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka Soomaaliya, madaxweynaha Galmudug, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo xubno kale.

Garoonka diyaaaradaha ee  Dubai ayaa waxaa kusoo dhaweeyay, wasiirka waxbarashadda dowladda Imaraadka Carabta, Xumeyd Al-Khadhaami, safiirka Soomalaiya u fadhiya Imaaradaka Carabta, Cabdulqaadir Sheekheey Al-xaatimi iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ka hortagga burcadbadeeda ayaa sanadkan ciwaan looga dhigay: “Ka hortagga burcad-badeedda iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Building”.

Waxaa sannad walba soo qabanqaabiya shirkan wasaaradda arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, iyadoo ay kasoo qaybgalayaan dawladaha daneeya ka hortagga burcad-badeedda, khubaro ku xeel dheer arrimahan iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya