4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Dastuurka dib u eegis lagu sameynayo


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in howsha ugu weyn ee hor taalla baarlamaanka ay tahay dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kahor inta aan lagu ansixin afti dadweyne.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka u horyaallaan howlo adag oo ay ka mid tahay sidii dalkan lagu gaarsiin lahaa doorasho xor ah 2016, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay dadaal badan arrintaas u galaan.

“Howlaha na horyaalla waxaa ka mid ah dib u eegista dastuurka dalka iyo sidii dalka lagu gaarsiin lahaa dimuqraadiyad iyo in dadku ay soo doortaan ciddii hoggaamin lahayd,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo ka hadlayay furitaankii kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in howshani ay tahay mid aad u adag balse ay rajeynayaan inay ku guuleysan doonaan, isagoo sheegay in maanta ay billaabayaan sidii howlahan ay ku noqon lahaayeen kuwo najaxa.

“Xildhibaannada waxaan ugu baaqayaa in howlaha horyaalla si ay uga miro-dhaliyaan looga baahan yahay in kulankooda maanta furmaya ay guntiga ugu xirtaan ka jibbo-keenidda howlaha horyaalla. Maadaama aan doonayno in dalkan aan ka saarno fowdada aanna gaarsiinno dimuqraadiyad ay dadku isku doortaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Jawaari.

Sannad kahor ayey ahayd markii ay baarlamaanku doorteen Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo dowladda Soomaaliya la sheegay inaysan wax badan ka qaban ballan-qaadyadii ay sameysay sida hagaajinta ammaanka guuud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaguna shalay ka hadlay furitaankii kal-fadhigii saddexaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa qiray in baarlamaanku uu howlo badan qabtay, isagoo ku boorriyay xildhibaannada inay xukuumadda kula xisaabtamaan waxqabadkeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya