4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo Maanta Gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)



Axad, September 01, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socday Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika oo maanta booqday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la kulmay mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Afrika ee AMISOM.

Wafdiga ayaa kahor kulanka ay la qaateen mas'uuliyiinta maamulka gobolka, waxa ay soo kormeereen xarumo ay ka mid ahayeen saldhigga booliiska, xerada gaaska shanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Lama-galaay iyo fariisimaha difaaca ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa midowgga Africa, iyaga oo u kuur galayay xaaladaha kala duwan ee ka jira goobaha ay booqdeen.

Kaddib booqashadooda wafdigu waxaa ay kulan ballaaran la yeesheen mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowga Africa oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka gaar ahaan arrimaha militariga.

Ku-xigeenka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cali (San-buur) ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladda gobolka, gaar ahaan dhinaca nabadgalyada, waxaana uu uga mahad celiyay booqashada ay ku soo gaareen magaalada Baladweyne.

Taliyaha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan kol. Tawane Axmed Gureey oo dhinciisa ka hadlay kulanka ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda ciidamada iyo caqabado sida uu sheegay ka heysta dhinaca qalabka ama agabka ay ciidamada ku howlgalaan.

“Bilihii ugu danbeeyay ciidamada waxaa ay qaadanayeen tababaro kala duwan, waxaa hadda ka howlgala magaalada ciidamo tababarkoodu wanaagsan yahay, laakiin dhinaca agabka ama qalabka ay ku howlgalaan ayey mashkaladi naga heysataa, malahan gaadiid ku filan iyo hub casri ah intaba,'' ayuu yiri taliyaha ciidamada gobolka.

Dhinaca arrimaha bulshada mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday xubnaha wafdiga ee ka socda Midowgga Afrika in  waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolasha ee dibada uga yimaada ciidamada AMISOM wixii la heli karo laga iibsado ganacsatada gobolka si dhaqaalaha dib loogu celiyo bulshada.

Saraakiisha midowgga Africa AMISOM ayaa dhinacooda soo dhaweeyay soo jeedinta mas'uuliyiinta maamulka gobolka, islamarkaana balan qaaday in ay u faa'iideyn doonaan ganacsatada gobolka.

Xubnaha wafdiga ka socday QM ayaa si weyn u ammaanay ciidamadii ay ku arkeen goobihii ay booqdeen, iyaga oo intaa ku daray in wixii xog ah oo ay uruuriyeen ay dib ula noqon doonaan, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabi doonaan caqabadaha jira iyo wixii cabasho ah oo ay ciidamadu qabaan.

Waxaa kaloo ay ballan-qaadeen in ay dhisi doonaan sida ay hadalka u dhigeen xarumo muhiim u ah adeegyada kala duwan ee bulshada si shacabku uga faa'ideystaan.

Waa markii ugu horeysay oo si wada jir ah u soo booqdaan gobolka wafdi ka kooban QM iyo midowgga Africa oo qiimeyn ku sameeynaya xaalada ciidamada iyo nolasha guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne waxaa ka howlgala ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah midowgga Africa AMISOM  oo mudadii ay joogeen magaalada tababaro kala duwan siiyay ciidamo isugu jira miilitari iyo booliis kuwaa oo hadda si rasmi ah uga howlgala magaalada.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya