4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in berri uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono Shir-weyne Dib-u-heshiisiineed


Axad, September 01, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah uu ka furmayo Muqdisho shir-weyne dib u heshiisiineed oo ay kasoo qaybgeli doonaan dhammaan maamullada dalka ka jira iyo xubno ka imaanaya dibadda oo lagu casuumay.

Shirkan oo socon doona muddo shan maalmood ah, ayaa waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mid ah sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa dib-u-heshiisiin ay ka qaybqaataan dhammaan bulshada Soomaalida, maadaama uu dalku soo maray dhibaatooyin iyo dagaallo sokeeye.

“Maalinta berri ah waxaa lagu wadaa in Muqdihso uu ka furmo shir-weyne looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Waxaa kaloo looga hadli doonaa federaalka iyo dastuurka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay ujeeddada shirka loo qabanayo.

Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxtooyadu ay dajin doonaan ajandayaasha looga hadlayo shirkan, iyadoo lagu wado in laga soo saaro qodobbo muhiim u ah geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

Lama sheegin maamullada kasoo qaybgalaya kuwa ay yihiin, balse dhawaan ayay dowladdu waxay heshiis la gashay maamulkii Jubbooyinka, kaasoo uu muran siyaasadeed xooggan kala dhexeeyyay dowladda Soomaaliya.

Shir-weynahan ayuu wasiirku tilmaamay inuu yahay midkii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Muqdisho, isagoo xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan in ay ka soo baxaan waxyaabaha laga filayo oo ah in dalka oo dhan lagu baahiyo dib-u-heshiisiin dhameystiran.

Dhanka kale, waxaa maanta soo gaaray Muqdisho wufuud kala duwan oo ka yimid dalka dibaddiisa, kuwaasoo isugu jiray, waxgarad iyo aqoonyahanno la sheegay inay ka qaybgeli doonaan shirka berri ka furmaya Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya