4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Guddoomiyihii guddiga fulinta ee ururka Ahlusuna Waljamaaca oo xilkii laga qaaday kaddib kulan ka dhacay Dhuuso-mareeb (SAWIRRO)


Axad, September 01, 2013 (HOL) — Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-guduud golaha talada ee Ahlusunna Waljamaaca, ayaa waxaa xilka looga qaaday guddoomiyihii guddiga fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Cabdi Cali Fiidoow.

Kadib kulan xilka looga qaaday guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Suna Waljamaaca ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo ah guddoomiyaha golaha talada Ahlu Sunna, isagoo sheegay in fadhi maanta ay ku yeesheen degmada Dhuusa-mareeb lagu eedeeyey waxqbadka Fiidoow.

“Kaddib dood dheer oo arintaa laga yeeshay xubnaha goluhu cod ayey galiyeen arintaa, sidaa ayuuna xilka ku waayay guddoomiyihii guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca.'' ayuu yiri Sheekh Cumar C/qaadir.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo maalintii shalay warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uusan waxba ka qabin haddii xilka laga qaado, laakiin waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay eedeymaha loo soo jeediyay.

“Mar haddii aan hagaajiyay xiriirkii maamulka Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka, qeyb weynna ka qaatay sidii dowladda ay maamul ugu soo dhisi laheyd gobolka, kuna wareejiyay xoogga Ahlu Sunna Waljameeca dowladda federaalka, waxaan is leeyahay waajibkaagii waad gudatay,'' ayuu yiri Cabdi Cali Fiidoow.

Cabdi Cali Fiidoow ayaa qabtay xilka guddoomiyaha golaha fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca bishii February ee sanadkan aynu ku jirno, waxaana xilkaa loo doortay in uu hayo mudo labo sano ah.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay dowladda federaalka Soomaaliya maamul cusub u magacaawday gobolka Gal-guduud, waxaa soo ifbaxayay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay mas'uuliyiinta sare sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya