4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo ka Qaybgalay casho loo samaysay Xulka Kubadda Kolayga ee Dalka Jabuuti (SAWIRRO)


Axad, September 01, 2013 (HOL) —Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa casho sharaf u samaysay xulka Kubadda Kolayga ee Caasimadda Jabuuti oo ciyaar saaxiibtinimo la ciyaaray xulalka magaaladda Hargeysa ka jira ee kubadda Kolaygga ee Somaliland.

Munaasibad Casho Sharaf ah ee Shirkada Telesom ku martiqaadey Xulka Kubada Koleyga Jabuuti ee Jabuuti City, oo lagu qabtey Huteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland Cali Siciid Raygal, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdi-Waaxid C/qaadir, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Cadaalada Nuur Cismaan,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Maxamed Xuseen Dhabeeye,Gudoomiye Kuxigeenka Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suuqgeynta Shirkada Telesom Maxamed Cabdi (Darbo),Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Koleyga Dalka Jabuuti,C/qaadir Cali Camir(Muuse),Gudoomiye Kuxigeenka Xidhiidhka Kubada Kolayga Dalka Jabuuti Saleebaan Axmed Maxamed Diini(Sule), Muuse Jaamac Yuusuf Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka kubada Koleyga Jabuuti, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Somaliland Maxamed Qodax.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo ugu horeyn Furey hadalka Munaasibadaasi ayaa Sheegay in ay Siweyn ugu faraxsan yihiin ka Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba Socdaalka ay Somaliland kuyimaadeen Kooxda Kubada Koleyga dalka Jabuuti ee (Jabuuti-City) Waxaanu Xusey Wasiirku in aykusoo dhaweynayaan gacmo furan, isagoo sheegay in uu jeclaan lahaa in ay Ciyaaraha Saaxiibtinmo badiyaan Kooxda  dalka Jabuuti.

"Aad iyo aad ayaan idiinku faraxsanahay aad iyo aadna waan idiin soo dhaweyneynaa, dalkiinii baad timaadeen Walaalihiinbaad u timaadeen dalkiiniibaad la ciyaarteen walaalihiinbaad la ciyaarteen, aniguu maalintii horeba waanigii idiin Sheegay inaad badisaan ayaanu doonayay laakiin mushkilad maleh ciyaar Saaxiibtinimo ayay aheyd oo kii badiyay iyo kii laga badiyay waa isla mid bahashu waxey Xaraarad ku leedahay marka si dhab ah loo ciyaarayo, waa arin guul ah is barasho iyo isdhexgal”ayuu yidhi wasiirka Ciyaaraha Ragal oo dhiirigalinayey xulka Jabuuti ee Kolayga.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal dheer ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye oo Sheegay in ay Fursad qiima leh tahey Socadaalkan ay Saaxiibtinimo ay Koxda Jabuuti City kusoo gaadheen dalka Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargeysa.

Waxa kale oo isaguna Munaasibadaasi hadal ka jeediyay soo dhaweyn ah Gudoomiye Kuxigeenka Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suuqgeynta Shirkada Isgaadhsiinta Telesom Maxamed Cabdi(Darbo), oo Sheegay in Ciyaaryahanadu ay wakhtiyada Ciyaaraha lagu guda jiro sitaan Astaanta iyo karaamada dalkooda taas, oo looga baahan yahey in ay muujiyaan edaab iyo rabshad la’aan, Waxaanu carabka ku dhuftey in Xulka Reer Jabuuti ee Kubada Koleygu Kooxda Jabuuti-City ay muujiyeen ciyaarihii ay Somaliland ku ciyaareen edaab anshax fiican isagoo dhinaca kalena Tusaale usoo qaatey in dhalinyarada laga Wacyigaliyo Tahriibta loogana waramo dalalka dibada ee ay u hanweyn yihiin Sidoo kalena, waxa uu u umahad celiyay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo uu ku tilmaamay in ay kaalin firfircoon ugu jiraan dhalinyarada.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda Kolayga Jabuuti C/qaadir Cali Caamir (Muuse) ayaa shirkadda Telesom uga mahad celiyey Sooryo casheedkan ku sagootisey ee ay u samaysay, Waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqey Wasaarada Ciyaaraha oo gacmo furan kusoo dhaweysay, isagoo dhinaca kalena faafaahin ka bixiyay in ay sigaar ah ugu mahad celinayaan Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha ee dalka Jabuuti Buduul Xasan Buduul iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradaasi oo safarkooda ay Somaliland ugu soo kicitimeen kusoo tabaabusheeyay kuna taageeray Waxaana Carabka ku dhuftey Ku Xigeenkiisa, Saleebaan Axmed Maxamed Diini(Sule), iyo Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubada Koleyga Muuse Jaamac Yuusuf iyo madaxa farsamada Kooxda C/risaaq Cagayare, iyo Waliba tabatabaraha Kooxda oo ah nin u dhashey Wadanka Kuuba.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay Dhigiisa Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Koleyga ee Somaliland Maxamuud Xasan C/laahi(Qodax), oo isaguna ku tilmaamay Socdaalka Kooxda Kubada Koleyga ee dalka Jabuuti mid qiima weyn ugu fadhiya Xidhiidhka Ciyaaraha labada dal.

Gabagabadii Munaasibadan Sooryada ah ee Shirkada Telesom ku sagootisey Xulka Kubada Koleyga ee dalka Jabuuti gaar ahaan Kooxda Jabuuti-City, ayaa aheyd mid lagu macaasalaamaynayey xulkan reer Jabuuti oo labaddii jeer ee ay laba kooxood la ciyaareenba laga badiyey, iyagoo madaxdii halkaasi ka hadashay ku dhiirigalinayey xulka Jabuuti in aanay ka niyad jabin ciyaaraha ee guul iyo guuldaraba ka koobantahay ciyaaruhu.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland