4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Odayal ka Dalbaday Dowladda inay Gacan ka geysato sidii Qeybaha kale ee Gobolka Hiiraan looga saari lahaa Al-shabaab


Axad, September 01, 2013 (HOL) — Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Baladweyne ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii qeybaha kale ee gobolka looga saari lahaa Al-shabaab.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka, ayaa sheegay in ay tahay wax aan  la aqbali karin - sida uu hadalka u dhigay - in muddo dhan labo sano lagu sugnaado oo kaliya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, xili degmooyinka kale ee gobolka ay maamulaan xoogagga Al-shabaab.

“Dowladda federaalka waxaa ugu baaqeynaa in ay arintaa gacan ku siiso ciidamada maamulka dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkan -Baladweyne- ku sugan sidii ay looga xoreyn lahaa qeybaha kale ee gobolka Al-shaabaab, suurtagal ma'aha in mudo labo sano ah lagu sugnaado hal magaalo oo kaliya,'' ayuu yiri Faarax Cabdi Waare.

Waxaa uu sheegay nabadoon Faarax Cabdi Waare in ay adag tahay wax ka qabashada amniga magaalada inta qeybaha kale ee gobolka ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan ku siiso maamulka gobolka iyo ciidamada sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan.

Marka laga soo tago ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne, waxaa ku sugan ilaa 1000 askari oo ka socda dalka Jabuuti qeybna ka ah howlgalka midowga Afrika iyo  kumanaan ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya,  kuwaas oo saldhigyo waaweyn ku leh gudaha iyo daafaha magaalada Baladweyne.

Saraakiisha maamulka iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa marar badan ku goodiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay awoodda maamulka ugu baahin doonaan guud ahaan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya