4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
AMSIOM oo Wadda Ololayaal Bulshada Soomaaliyeed looga Wacyi-gelinayo dhibaatooyinka loo geysto Haweenka Somalida

Axad, September 01, 2013 (HOL) — Xafiiska jinsiga ee AMISOM ayaa wada qorshayaal looga wacyi-gelinayo bulshada Soomaaliyeed dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliya, kuwaasoo ay qayb ka yihiin sidii loo heli lahaa sharci lagu ciqaabayo kuwa dhibaatooyinka u geysanaya haweenka.

Madaxa xafiiska Jinsiga ee AMISOM, Mane Axmed oo la hadashay HOL ayaa sheegtay in la qaban doono kulammo kala duwan iyo tababarro wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed.

“Waxaan wadnaa ololayaal badan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka haweenka Soomaaliyeed loo geysto, waxaana ka mid ah ololayaashaas sidii loo wacyi-gelin lahaa bulshada,” ayay tiri Mane Axmed.

Sidoo kale, ololayaashan ayaa waxay sheegtay inay ka mid yihiin wacyigelin loo marinayo shacabka warbaahinta si ay qayb uga qaadato sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

“Barnaamijyada aan qabanayno waxaa ka mid ah, in dumarka la baro sidii ay isaga difaaci lahaayeen ragga doonaya inay kufsadaan,” ayay hadalkeeda ku dartay Mane Axmed.

Xafiiska jinsiga ee AMISOM oo la dhisay sannadkii 2009 ayaa wuxuu tan iyo xilligaas ka shaqeynayay sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka haweenka loo geysto oo ay ka mid yihiin xaqiraadda dhinaca siyaasadda iyo ka qayb-galka hoggaanka dalka.

Mane Axmed waxay sheegtay inay toddobaadka soo socda qaban doonaan kulan ay isugu keenayaan warbaahinta Soomaalida si wacyi-gelinta loogu mariyo bulshada Soomaaliyeed.

“Tababarro ayaan qaban doonnaa, kuwaasoo midkood uu ka dhici doono dalka Jabuuti, kaasoo la isugu keeni doono, sharci-yaqaannada, suxufiyiinta, garyaqaannada  iyo ururrada dowliga ah ee ka shaqeeya wacyi-gelinta bulshada, waxaana la bari doonaa sharciyo ay ka mid yihiin midka caalmiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharci hoosaadyada Soomaalidu ay ku dhaqanto,” ayay Mane mar kale tiri.

Ugu dambeyn, Mane Axmed waxay sheegtay in tababarka uu kasoo bixi doono sharci adag oo lagu ciqaabo kuwa haweenka dhibaateeya, sharcigaas oo lagu saleynayo diinta Islamaka, midka Soomaaliya iyo weliba xeerarka bulshada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya