4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Taliyaha Ciidamada Burundi oo Muqdisho yimid Kulanna la Qaatay Madaxda dalka iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka

Axad, September 01, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya, Niyongabo Prime ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulammo la qaatay madax uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh, wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, wasiirka gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidamada.

Booqashada sarkaalkan uu yimid Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay mid uu ugu kuurgalayay xaaladda ciidamada Burundi ka socda ee Somalia ku sugan, kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayay kaga hadleen howgalka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan iyo xaaladda dalka, iyadoo madaxweynuhu uu uga mahadceliyay dalka Burundi ciidamada ay u soo direen Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Burundi ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay ka qaybqaataan howgalka dib u soo celinta nabadda Somalia tan iyo inta ay Soomaaliya nabad ka noqonayso.

Sidoo kale, Prime ayaa wuxuu la kulmay taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) iyagoo kawada hadlay xaaladda ciidamada iyo dadaalka ciidamada Burundi oo qayb ka ah kuwa AMSIOM ee ka shaqeynaya sidii nabad loogu heli lahaa Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga ayaa dhiggiisa dalka Burundi uga mahad-celiyay booqashada uu ku yimid Muqdisho, iyagoo kulankooda kaddib kormeerro ku kala bixiyay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo xarumo kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Burundi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo taliyaha guud ee ciidamada dalka Burundi uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, iyadoo booqashadan ay ahayd markii saddexaad oo uu yimaado Muqdisho, iyadoo dalka Burundi ay dhowr jeer oo hore sheegeen inaysan ka baxayn Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya