3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Taliyaha Ciidamada Burundi oo Muqdisho yimid Kulanna la Qaatay Madaxda dalka iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka

Axad, September 01, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya, Niyongabo Prime ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulammo la qaatay madax uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh, wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, wasiirka gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha ciidamada.

Booqashada sarkaalkan uu yimid Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay mid uu ugu kuurgalayay xaaladda ciidamada Burundi ka socda ee Somalia ku sugan, kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayay kaga hadleen howgalka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan iyo xaaladda dalka, iyadoo madaxweynuhu uu uga mahadceliyay dalka Burundi ciidamada ay u soo direen Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Burundi ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay ka qaybqaataan howgalka dib u soo celinta nabadda Somalia tan iyo inta ay Soomaaliya nabad ka noqonayso.

Sidoo kale, Prime ayaa wuxuu la kulmay taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) iyagoo kawada hadlay xaaladda ciidamada iyo dadaalka ciidamada Burundi oo qayb ka ah kuwa AMSIOM ee ka shaqeynaya sidii nabad loogu heli lahaa Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga ayaa dhiggiisa dalka Burundi uga mahad-celiyay booqashada uu ku yimid Muqdisho, iyagoo kulankooda kaddib kormeerro ku kala bixiyay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo xarumo kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Burundi.

Ma ahan markii ugu horreysay oo taliyaha guud ee ciidamada dalka Burundi uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, iyadoo booqashadan ay ahayd markii saddexaad oo uu yimaado Muqdisho, iyadoo dalka Burundi ay dhowr jeer oo hore sheegeen inaysan ka baxayn Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/1/2013 11:07 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socday Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika oo maanta booqday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la kulmay mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Afrika ee AMISOM.

9/1/2013 10:38 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah uu ka furmayo Muqdisho shir-weyne dib u heshiisiineed oo ay kasoo qaybgeli doonaan dhammaan maamullada dalka ka jira iyo xubno ka imaanaya dibadda oo lagu casuumay.

9/1/2013 10:35 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) — Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud gollaha tallada Ahlusunna Waljameeca ayaa waxaa xilka looga qaaday guddoomiyihii guddiga fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Cabdi Cali Fiidoow.

9/1/2013 10:30 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) —Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa casho sharaf u samaysay xulka Kubadda Kolayga ee Caasimadda Jabuuti oo ciyaar saaxiibtinimo la ciyaaray xulalka magaaladda Hargeysa ka jira ee kubadda Kolaygga ee Somaliland.

9/1/2013 10:13 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) — Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Baladweyne ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii qeybaha kale ee gobolka looga saari lahaa Al-shabaab.

9/1/2013 9:47 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) — Xafiiska jinsiga ee AMISOM ayaa wada qorshayaal looga wacyi-gelinayo bulshada Soomaaliyeed dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliya, kuwaasoo ay qayb ka yihiin sidii loo heli lahaa sharci lagu ciqaabayo kuwa dhibaatooyinka u geysanaya haweenka.

9/1/2013 8:01 AM EST
Axad, September 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay dajirayaasha dalalka ku leh safaaradaha Soomaaliya iyo wakiillada ururrada calaamiga ah, isagoo kaga dalbaday kulanka inay taageeran heshiiskii dowladda iyo maamulka Jubba ay ku gaareen magaalada Addis Ababa e dalka Itoobiya.

9/1/2013 5:25 AM EST
Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Dagaal khasaare geystey ayaa xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Baay. Dagaalka oo sida lagu soo warramayo ahaa mid xooggan, islamarkaana socdey muddo saacado ah, wuxuu dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku-dhinac ah iyo Al-shabaab.

9/1/2013 3:28 AM EST
Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Yemen Muxammad Saalim Basindawa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka badbaadey isku-day ladoonayey in lagu khaarijiyo.

9/1/2013 2:39 AM EST
Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL) —Maalintii lixaad waxaa degmada Taleex ee gobolka Sool ku sugan wefdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, islamarkaana ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka ee Puntland.