4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Dajirayaasha Dalalka Soomaaliya ku leh Safaaradaha iyo Wakiillo kala duwan (SAWIRRO)


Axad, September 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay dajirayaasha dalalka ku leh safaaradaha Soomaaliya iyo wakiillada ururrada calaamiga ah, isagoo kaga dalbaday kulanka inay taageeran heshiiskii dowladda iyo maamulka Jubba ay ku gaareen magaalada Addis Ababa e dalka Itoobiya.

Dajirayaasha uu madaxweynuhu la kulmay waxaa ka mid ahaa, darjiaha dalka Jabuuti, midka Ingiriiska, Sweden, Suudaan Itoobiya iyo wakiillada dalalka Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo urur goboleedka IGAD iyo kuwa Qaramada Midoobay.

“Madaxweynuhu wuxuu maanta u yeeray danjirayaasha dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya iyo wakiillada ururrada caalamiga ah, wuxuuna kala hadlay sidii ay daba-gal ugu sameyn lahaayeen heshiiska si loo gaaro xal waara,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha oo kulankaas kaddib la hadlay warbaahinta.

Inj. Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu ka sheegay kulanka in heshiiskaasi uu yahay mid hordhac ah, balse uu sii socon doono, shirar lagu dhameystirayo heshiiskaanna lagu qaban doono Muqdisho iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Madaxweynuhu wuxuu kulankiisa ku sheegay in dadka cabshada ka qaba heshiiska la tixgelin doono, isagoo ka dalbaday Soomaalida inay isku dul-qaataan,” ayuu af-hayeenka madaxtooyadu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday dajirayaasha inay ka shaqeeyaan sidii gargaar loola gaari lahaa dadka ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay in deegaanno ka tirsan gobolladaas ay ka jirto xaalado bani’aadamnimo.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynaha Soomaaliya uu la yeesho danjirayaasha dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya iyo sidoo kale wakiillada ururrada caalamiga ah qaarkood sida midka Qaramada Midoobay.

Heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay toddobaadkii hore ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa  qodobbadiisa ka mid ah in maamulka hadda jira ee Jubbooyinku uu yahay kumeel gaar, uuna sii shaqeyn doono muddo labo sano ah.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya