4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay

Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Dagaal khasaare geystey ayaa xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Baay. Dagaalka oo sida lagu soo warramayo ahaa mid xooggan, islamarkaana socdey muddo saacado ah, wuxuu dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku-dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanayaa ay weerar ku qaadeen deegaanka Koranbood oo masaafo aan badneyn koonfurta kaga aaddan degmada Qansax-dheere.

Xoogagga Al-shabaab oo deegaankaas ka taliya ayaa ciidamada weerarka soo qaaday iska-caabin xooggan kala hortegey, waxaana sida wararka lagu helayo deegaankaas xilligan ku sugan ciidamada Al-shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda VOA in dagaalkaas ay ku dhinteen 7-qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 15-qof oo kale. Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyey in shan kamid ahi ay rayid ahaayeen.

Goob-joogeyaal ku sugan Koranbood ayaa sidoo kale Idaacadda VOA u sheegay in dagaalka xalay deegaankaas ka dhacay uu sababay khasaare soo gaarey guryo dhowr ah iyo goobo ganacsi.

Xaaladda deegaanka Koranbood ayaa saaka ah mid deggen, inkasta oo weli xiisad colaadeedi ay halkaas ka taagan tahay.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland