Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Yemen Muxammad Saalim Basindawa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka badbaadey isku-day ladoonayey
in lagu khaarijiyo.
Afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha
darandooriga u dhaca, ayaa lagu soo warramayaa in kolonyo gaadiid ah oo
gelbineysey Basindawa ay ku weerareen inta u dhexeysa xafiiska ra'iisul
wasaaraha iyo gurigiisa.
Cali Al-saraari -oo kamid ah kaaliyeyaasha Basindawa- ayaa u
sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ilaalada ra'iisul wasaaraha
Yemen ay iska caabiyeen weerarka, isagoo xusay in aysan jirin cid
weerarkaas wax ku noqotay.
Mas'uulkan ayaa sidoo kale sheegay in la aqoonsaday dableydii
weerarka geysatey, islamarkaana uu socdo baaritaan xooggan oo ku aaddan
sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Gobollo kamid ah dalka
Yemen waxaa ku xooggan kooxo jihaadiyiin ah oo dhowr mar oo hore
dagaallo la galay ciidamada dalka Yemen. Kooxahan ayaa xiriir laleh
ururka Al-qaacida.
Muxammad Saalim Basindawa waxaa xilka ra'iisul wasaare nimada loo
dhaariyey bishii Nofeembar ee ee sanadkii 2011, kaddib markii
madaxweynihii hore ee dalkaasi - Cali Cabdallah Saalax- uu xilka ku
wareejiyey ku-xigeenkiisii Cabdulrabbi Mansuur Haadi.
Todobaadyo kahor waxaa albaabada la isugu dhuftay safaardda
Maraykanka ee Yemen iyo safaaradaha dhowr dal oo kale oo Midowga Yurub
ka tirsan, kaddib markii ay soo baxeen digniino sheegaya weerarro ay
Al-qaacidada dalka Yemen qorsheyneyso in ay la bartilmaameedsato
safaaradahaas.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland