4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Ra'iisul wasaaraha Yemen oo ka badbaadey isku-day la doonayey in lagu khaarijiyo

Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Yemen Muxammad Saalim Basindawa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka badbaadey isku-day ladoonayey in lagu khaarijiyo.

Afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, ayaa lagu soo warramayaa in kolonyo gaadiid ah oo gelbineysey Basindawa ay ku weerareen inta u dhexeysa xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo gurigiisa.

Cali Al-saraari -oo kamid ah kaaliyeyaasha Basindawa- ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ilaalada ra'iisul wasaaraha Yemen ay iska caabiyeen weerarka, isagoo xusay in aysan jirin cid weerarkaas wax ku noqotay.

Mas'uulkan ayaa sidoo kale sheegay in la aqoonsaday dableydii weerarka geysatey, islamarkaana uu socdo baaritaan xooggan oo ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Gobollo kamid ah dalka Yemen waxaa ku xooggan kooxo jihaadiyiin ah oo dhowr mar oo hore dagaallo la galay ciidamada dalka Yemen. Kooxahan ayaa xiriir laleh ururka Al-qaacida.

Muxammad Saalim Basindawa waxaa xilka ra'iisul wasaare nimada loo dhaariyey bishii Nofeembar ee ee sanadkii 2011, kaddib markii madaxweynihii hore ee dalkaasi - Cali Cabdallah Saalax- uu xilka ku wareejiyey ku-xigeenkiisii Cabdulrabbi Mansuur Haadi.

Todobaadyo kahor waxaa albaabada la isugu dhuftay safaardda Maraykanka ee Yemen iyo safaaradaha dhowr dal oo kale oo Midowga Yurub ka tirsan, kaddib markii ay soo baxeen digniino sheegaya weerarro ay Al-qaacidada dalka Yemen qorsheyneyso in ay la bartilmaameedsato safaaradahaas.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland