4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 1 , 2013
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo maalintii lixaad ku sugan degmada Taleex

Axad, Sebtember 1, 2013 (HOL)- Maalintii lixaad waxaa degmada Taleex ee gobolka Sool ku sugan wefdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, islamarkaana ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka ee Puntland.

Wefdiga Jen. C/samed Cali Shire ayaa maalmihii lasoo dhaafay degmada Taleex kulammo kula lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada Taleex iyo guud ahaan gobolka Sool.

Kulammadan oo waxyaabo badan la iskula soo qaaday, waxaa arrimaha diiradda lagu saaray Hiiraan Online uga warbixiyey xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo kamid ah wefdiga Puntland ee Taleex jooga.

Xildhibaanka ayaa sheegay in meel fiican uu marayo dadaal lagu dhex-dhexaadinayo beelo walaalo ah oo ay xurgufi ka dhexeysey, islamarkaana dhowaan uu halkaas ka qabsoomi doono shir-weyne ballaaran oo ay kasoo qayb geli doonaan dhamaan madaxda dhaqanka ee beelaha gobolka,

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in booqashada siyaasiyiitna uu isagu ku jiro ee reer Sool ay Taleex ku tageen ay tahay mid la xiriirta doorashada soo socota ee Puntland, wuxuu sheegay in warkaasi uu yahay mid borobagaando ah oo ay suuqa geliyeen dad uu ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda horumarka gobolka.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka inay ilaaliyaan midnimada, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo nabadda iyo xasilloonida deegaanka wax u dhimi karta.

Wefdiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa intii ay Taleex joogeen furay dhowr mashruuc oo uu kamid yahay ceel riig ah oo muddo qarni kudhowaad ah markii ugu horreysey degmadaas laga hirgelinayo.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]
Boosaaso, Puntland