4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Nabaddoonnada ku nool Magaalada Baydhabo oo nabadgalyo ahaan u galay Saldhigga AMISOM ay ku leedahay degmadaas

Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Nabaddoonnada Digil iyo Mirifle ayaa u galay saldhigga AMISOM ay ku leedahay Baydhabo iyagoo ka baqdin qaba in la dilo, iyadoo nabaddoonnadan oo tiradoodu tahay 63-qof kuwaasoo aysan is-arkin caruurtooda iyo xaasaskooda.

Magaalada Baydhabo ee xarunga gobolka Bay ayaa waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay lagu dilay nabaddoonno si weyn looga yaqaan degmadaas, taasoo keentay in nabaddoonnada ay magan-galyo ahaan u galaan saldhigga ay AMISOM ku leedahay Baydhabo.

Dilalka nabaddoonnadan ayaa waxaa sheegata Al-shabaab, iyadoo uu ahaa nabaddoonkii ugu dambeeyay ee Baydhabo lagu dilo, Yuusuf Cali Sheekh, kaas oo lagu dilay inta u dhexeysa gurigiisa iyo masaajid uu kusoo tukaday.

Sidoo kale, waxaa iyaguna saldhigga AMISOM ee Baydhabo qaab magan-galyo ahaan ah u galay shaqaalaha hay’adaha samafalka ee Baydhabo ku sugan, iyadoo saldhigga AMISOM lagu arkayo dad badan oo ku sugan.

Xaafadaha Howlwadaag oo ah xaafad ku dhow saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Baydhabo ayaa waxay noqotay meel ay dadku intooda badan degaan, iyadoo kirada guryaha xaafaddaas ay aad uga badatay kuwii horay loogu kireysan jiray.

Sababtan ayaa lagu sheegay in aaggaas ay habeenkii waardiye joogto ah ka hayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo, aysanna geli karin xubno Al-shabaab ka tirsan oo dilalka iyo dhibaatooyinka kale la geysta xaafadaha Baydhabo.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay ayaa iyaguna waxay daggan yihiin xaafadda Howlwadaag, halkaasoo ay ku haystaan nabadgalyo aysan ku heli karin xaafadaha kale ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha demada Baydhabo, Xasan Macallin Biikole ayaa sheegay inuu isaga keliya deggen yahay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Cadaada halkaas oo ay dhowr jeer kusoo weerareen sida uu sheegay xoogag Al-shabaab ka tirsan, inkastoo aysan waxba gaarsiin.

Magaalada Baydhabo ayaa waxay u kala qaybsan tahay laba qaybood oo dhinac ka mid ah ay daggan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, shaqaalaha hay’adaha samafalka, halka dhinaca kalena ay daggan yihiin shacabka iyo ganacsatada.

Hiiraan Online, Baydhabo