4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo Diyaar-garoow Doorasho oo si aad ah uga socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Hadal-heynta ugu badan magaalada Beledweyne marka aad eegto xiligan waa halka ay wax u marayaan mas'uuliyiin  ka tirsan dowladda oo ku guda jira la tashiyo ballaaran oo ku aadan dhismaha maamul cusub oo markii ugu horeysay ku imanaya hab doorasho ah.

Xubno ka socda wasarrada arrimaha gudaha, xildhibaanno iyo waliba siyaasiyiin kale oo arintan doorashada  siweyn u daneynaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay si is daba joog ah u soo gaarayay magaalada, waxaana ugu danbeeyay wafdi isugu jiray odayaal dhaqameed, waxgarad iyo mas'uuliyiin dowladood oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Marka laga soo tago wada tashiyada guud ee u socda mas'uuliyiinta dowladda iyo qeybaha bulshada, dhinaca kale waxaa jira kulamo iyo shirar hoosaadyo ay gar gaar u leeyihiin waxgaradka beelaha wada dega gobolka, waxaana muuqata in beel walba ay ka wada hadleyso miisaanka iyo culeyska ay  ku yeelan karto gollaha deegaannka la filayo in uu ka soo dhax baxo maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.

Dooda ugu weyn ayaad moodaa in ay ka taagan tahay qaabka loo sameynayo gollaha deegaannka oo u muuqda mid lagu saleyn doono shanta degmo ee uu gobolka ka kooban yahay, durbabana waxaa soo ifbaxaya beello arintaa cabasho ka keenay oo taa badalkeeda ka doorbidaya in hab beeleed lagu dhiso gollaha deegaannka.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in ay jiraan durbabaha shaqsiyaad siweyn u daneynaya qabashada xilka guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan oo xod-xodasho iyo waliba olale siyaasadeed ka wada magaalada, kuwaa oo shirar kala duwan la leh waxgaradka beelaha dega gobolka, iyaga oo ku qancinaya siyaasadooda hogaamineed iyo waxa ay qaban doonaan waa haddii ay ku guuleystaan doorashada soo socta.

Agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in wali wadatashiyadu socdaan, laakiin aan loo baahneyn in laga sii hor dhaco, waxaana uu rajo badan ka muujiyay doorasho markii ugu horeysay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku dhisanayaan maamulkooda in ay ka hergasho magaalada Beledweyne.

Bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa marka aad la sheekeysto siweyn ugu amaanaya maamulka xiligan ka jira gobolka sida uu wax badan uga qabtay nabad-galyada, kadib dib u habeyn xoog leh oo lagu sameeyay ciidamada xoogga iyo kuwa booliiska ee ka howlgala deegaannada ay dowladda ka maamusho gobolka Hiiraan.

Inkastoo xusul duub siyaasadeed oo xoog leh laga dareemayo magaalada Beledweyne, ayaa haddana haddii lagu guuleysto qabashada doorashada, waxaa la oran karaa waa talaabo bilow fiican oo ku dasho mudan u noqon doonta guud ahaan gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya