4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
Dowladda Turkiga oo beenisay inay ku lug lahayd Weerar Todobaadkan lagu qaaday Guri ku yaalla Xeebta Degmada Baraawe


Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa beenisay inay ku lahayd weerarkii horraantii toddobaadkan lagu qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe ee gobolk Shabeellada Hoose, iyadoo sidoo kalena been ku tilmaantay eedeyntii Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday guriga ku yaalla degmada Baraawe ay ahaayeen ciidammo Ingiriis iyo Turki ah, isagoo sheegay inay dhaawacmeen askari Turki ah.

“Waxaanu beeninaynaa eedeyntaas gabi ahaan,” sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga. Isagoo sheegay inaysan jirin ciidammo ka tirsan dalkooda oo weerar ku qaaday Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa eedeynta beenisay dowladda Britain oo sheegtay inaysan ku lug lahayn weerarkaas, kaasoo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay dowladda Mareykanka oo xustay inay ku raadjoogtay sarkaal u dhashay Kenya oo ka tirsan Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen degmada Baraawe uu ahaa mid ay ku beegsanayeen sarakaal lagu magacaabo C/qaadir Maxamed C/qaadir oo Kenyan ah, inkastoo aan lagu guuleysan.

Al-shabaab ayaa horay ugu eedeysay dowladda Turkiga inay u adeegayso dalalka reer galbeedka, iyadoo dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay beegsan doonto hay’adaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

Turkiga ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya hay’ado gargaar oo fara badan kuwaasoo ka shaqeeya dhismaha iskuullada, waddooyinka, isbitaallada iyo caawinta dadka dhibaateysan, iyadoo Al-shabaab ay qarax ku weerartay qunsuliyad taabacsan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/8/2013 10:23 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi siinaysay telefishinka CNN-ka iyadoo ku sugan magaalada London ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan weerar uu Mareykanku maalmo ka hor ku qaaday guri ku yaalla xeebta Baraawe oo ay ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ka tirsan.

10/8/2013 10:04 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Xarakada Al-sabaab ayaa ciidamo fara badan geysay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo haatan u ah saldhig weyn, iyagoo sheegay inay ka digtoon yihiin weerarro kale ay ka geystaan ciidammo reer galbeed ah.

10/8/2013 7:13 AM EST
Xaflad lagu maamuusayey sanadguurada koowaad markii MadaxweynahJamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud uu xilka R/wasaaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) u magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee Xarunta Dalka Sweden.

10/8/2013 2:14 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegtay inay dhameystirtay qorshayaal ay ku doonayso inay ku weerarto goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in qorshuhu yahay in Al-shabaab laga saaro deegaannadaas.

10/8/2013 1:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid noqday baarlamaanka caalamka oo ay xubno ka yihiin 16-waddan, sida uu sheegay, xildibaan Khaalid Cumar Cali, isagoo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay tani u ogolaanayso ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.