4/13/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
Al-shabaab oo ciidamo fara badan geysay degmada Baraawe oo Maalmo ka hor ay Weerareen Ciidammo Mareykan ah


Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Xarakada Al-sabaab ayaa ciidamo fara badan geysay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo haatan u ah saldhig weyn, iyagoo sheegay inay ka digtoon yihiin weerarro kale ay ka geystaan ciidammo reer galbeed ah.

Afhayeenka howlgallad Al-shabaab wuxuu sheegay inay mar walba digtooni ka qabaan weerar kale oo lagu qaaday degmada Baraawe, isagoo sheegay inay u diyaar-garoobeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarrada kaga imaanaya dalal uu ku sheegay cadowgooda.

"Waan ka warhaynnaa in cadowgu ay damacsan yihiin mar walba inay nagu soo qaadaan weerarro, balse innagu waan u diyaar-garownay waana ka digtoonnahay,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in weerar walba oo lagu soo qaado aan lagu guuleysan doonin, isagoo ku goodiyay inay cashar lama ilaawaan ah ku dhigi doonaan reer galbeedka iyo xulufadooda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in lagu arkayay maanta gudaha degmadaas ciidammo fara badan oo Al-shabaab ka tirsan kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo qof deegaanka ka mid ahna ay xireen Al-shabaab.

Ruuxan la xiray ayaa la sheegay inuu isticmaali jiray Internet-ka, balse ma sheegin saraakiisha Al-shabaab in ruuxan ay u xireen weerarkii dhawaan ka dhacay degmada Baraawe iyo in kale.

Toddobaadkan billowgiisii ayay ahayd markii ciidamada gaarka ah ee dalka Mareykanka ay weerareen guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe, halkaas oo la sheegay inuu ku sugnaa sarkaal Kenyan ah oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii Westgate Mall.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/8/2013 10:47 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa beenisay inay ku lahayd weerarkii horraantii toddobaadkan lagu qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe ee gobolk Shabeellada Hoose, iyadoo sidoo kalena been ku tilmaantay eedeyntii Al-shabaab.

10/8/2013 10:23 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi siinaysay telefishinka CNN-ka iyadoo ku sugan magaalada London ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan weerar uu Mareykanku maalmo ka hor ku qaaday guri ku yaalla xeebta Baraawe oo ay ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ka tirsan.

10/8/2013 7:13 AM EST
Xaflad lagu maamuusayey sanadguurada koowaad markii MadaxweynahJamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud uu xilka R/wasaaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) u magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee Xarunta Dalka Sweden.

10/8/2013 2:14 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegtay inay dhameystirtay qorshayaal ay ku doonayso inay ku weerarto goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in qorshuhu yahay in Al-shabaab laga saaro deegaannadaas.

10/8/2013 1:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid noqday baarlamaanka caalamka oo ay xubno ka yihiin 16-waddan, sida uu sheegay, xildibaan Khaalid Cumar Cali, isagoo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay tani u ogolaanayso ka qaybgalka shirarka caalamiga ah.