4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
Dowladda Federaalka Somalia oo qorsheynaysa inay weerarto Deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan tahay Soomaaliya


Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegtay inay dhameystirtay qorshayaal ay ku doonayso inay ku weerarto goobaha ay ka taliso Xarakada  Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in qorshuhu yahay in Al-shabaab laga saaro deegaannadaas.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka sheega shir ay shalay Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya in qorshahan la dhameystiray.

“Ciidamada dowladda iyo wasaaradu kama gaabinin doonaan dagaalka Al-shabaab lagula jiro, waana waajibka ugu weyn ee saaran, waxaana lasoo gabagabeeyay qorshaha looga saarayo kooxdan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin,” ayuu yiri Fiqi oo ka hadlayay kulanka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay kala hortagto dagaal adag, isagoo sheegay in kooxdan oo uu ku sheegay arga-gaxiso ay dhibaato weyn ku hayso Soomaaliya, dalalka gobolka iyo weliba ku caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna saraakiishii uu la kulmay ka dalbaday inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadeen deegaanno fara badan oo ay horay uga talin jirtay.

Inkastoo Al-shabaab laga saaray deegaanno badan ayaa waxay dagaalkooda u bedeleen dagaallo gaadmo ah, iyagoo bihsii hore ay sheegatay ay weerar lagu qaadeen suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo caalamka u muujiyay in weli Al-shabaab ay tahay khatar aan la dhayalsan karin.

Ma uusan sheegin wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya xilliga weerarka ku qaadayaan Al-shabaab iyo goobaha ay sida gaar ah u bartilmaameedsan doonaan, iyadoo hadalkan uu kusoo beegmayo xilli ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay toddobaadkan billowgiisii weerareen gur ku yaalla xeebta degmada Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn Al-shabaab ee xilligan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya