4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Itoobiya oo Maanta u doortay Madaxweynaha cusub ee dalkaas Wasiirkii Beeraha


Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Xildhibaannada labada aqal ee Itoobiya ayaa maanta u doortay madaxweynaha dalkaas, Mulatu Teshome Wirtu oo ahaa wasiirkii hore ee beeraha dalka Itoobiya, kaasoo xilka hayn doona lixda sano ee soo socota.

Danjire Teshome oo 57-jir ah ayaa siyaasadda ku jiray muddo dheer, isagoo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya, isagoo sannadihii ugu dambeeyay ahaa danjiraha dalkiisa u fadhiya dalka Turkiga.

“Baarlamaanka sare iyo midka hoose ee dalka Itoobiya waxay madaxweyne u doorteen maanta oo Isniin ah dajire Malatu Teshome,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Doorashada madaxweynaha cusub oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa lagu doortay cod aqlabiyad ah, wuxuu bedeli doonaa madaxweynihii hore ee Itoobiya, Girme Wolde Giorgis oo 88- jir ah oo 12-sano madaxweyne ahaa.

Girme Wolde ayaa xilka madaxweynimo ee dalkaas loo doortay sannadkii 2001, isagoo mar kale xilka loo doortay sannadkii 2007-dii, wuxuuna xilka hayay laba xilli oo min lix sano ah, iyadoo tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo laga guuleysto.

Madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya ayaa wuxuu kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo ka mid ah qowmiyadaha dalka Itoobiya, iyadoo madaxweynihii ka horreeyay uu isaguna ka sooo jeeday isla qowmiyaddan oo ah midda ugu ballaaran qowmiyadaha dalkaas.

Danjire Mulatu Teshome ayaa horay u soo noqday dajiraha Itoobiya ee dalalka Jabbaan iyo Shiinaha, isagoo kale soo qabtay xilka wasiirka beeraha, waxaana ay doorashadiisu ku soo beegmaysaa iyadoo sannadkii hore ee 2012-da uu geeriyooday ra’iisul wasaarihii muddada dheer xukumayay Itoobiya, Meles Zenawi.

Hadalka uu ka jeediyay labada gole dhaarintiisa kaddib ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka madaxweynenimo ee loo doorto, isagoo ballan-qaaday inuu shacabka Itoobiya oo dhan ugu shaqeyn doono si daacad ah.

Itoobiya ayaa waxay kumannaan askari kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya iyadoo aan la ogeyn go'aanka madaxweynaha cusub uu ka qaadan doono, inkastoo ra'iisul wasaaraha oo ka awood badan uu maalmo ka hor sheegay in ciidamadoodu ay sii joogi doonaan gudaha soomaaliya ayna la dagaalami doonaan Al-shabaab.

Nidaamka xukun Itoobiya oo ah madaxweyne awood yar iyo ra’iisul wasaare awood badan ayaa waxaa labadaba soo doorta xubnaha labada aqal ee dalkaas, waxaana madaxweynihan cusub uu ka mid noqonayaa madaxweynayaashii soo mara Itoobiya tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Col. Mingistu Hailemariam sannadkii 1991-kii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya