4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Shir looga hadlayo sidii lagu soo bandhigiyo shidaalka ku jira Soomaaliya oo Maanta ka furmay Galbeedka Magaalada London

Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo shidaal la baarayo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee xarunta Britain waxaana shirkaas ka qaybgalay wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo mas’uuliyiin ka socda shirkadaha shidaalka baara iyo shirkad laga leeyahay dalka Britain oo Soomaaliya ka baaraysa shidaalka.

Qodobbada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah shidaalka Somalia laga heli karo, iyadoo wasiirka khayraadka Soomaaliya uu sheegay inay ka jirto Soomaaliya fursad weyn oo shidaal looga saari karo.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto nabad la isku haleyn karo loogana baari karo shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in laga soo saari karo shidaalka, taasoo uu sheegay inay fursad weyn u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya oo 22-sano ku jiray burbur iyo dhaqaale la’aan.

Ujeeddada shirkan ayaa waxaa lagu sheegay sidii loogu soo bandhig lahaa shirkadaha shidaalka qoda shidaalka laga heli karo Soomaaliya iyagoo laga baari doono shidaalka badda iyo barriga Soomaaliya.

“Shirkan waxaa kasoo qaybgalay wasiirro Afrikaan ah, madaxda shirkadaha maal-gashiga caalamka, qorshihiisuna waa sidii shidaalka Soomaaliya loosoo bandhigi lahaa, si shirkadaha shidaalka qoda maal-gaashi ugu sameystaan,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in shirkani socon doono saddex casho.

Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore isla meel dhigay in Soomaaliya laga baaro shidaal, ayna shidaalkaas baari doonto shirkad laga leeyahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil & Gas, taasoo heshiis lagu baarayo shidaalka la saxiixay dowladda Soomaaliya.

Madaxa shirkadda Soma Oil & Gas, Robert Sheppard ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in Soomaaliya laga helo karo shidaal iyo gaas fara badan, wuxuuna sheegay inay baaritaanka ka sameyn doonaan goobaha ay ka taliso dowladda federaalka.

“Waanu dareensannahay khatarta ammaan ee Soomaaliya ka jirta, balse waxaan isku dayaynaa in howgallada baarista shidaalka aan dowladda uga helno ciidammo ilaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheppard.

Howshan lagu baarayo shidaalka Soomaaliya ayaa waxay noqon doontaa fursad weyn oo qayb ka qaadata dib u soo kabashada Soomaaliya oo ay ka jireen colaado sannado fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya