4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2013
Booliiska Kenya oo Maanta soo bandhigay magacyada iyo sawirada laba nin oo qayb ka qaatay Weerarkii Westgate Mall

Isniin, Oktoobar 07, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa maanta soo bandhigay magacyada iyo sawirrada laba nin oo Soomaali ah oo la sheegay inay qayb ka qaataan weerarkii bishii hore lagu qaaday dhismaha ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Magacyada labada ruux ee lasoo bandhigay ayaa waxay kala yihiin: C/qaadir Xuseen Maxamed oo loo yaqaan Maxamed Xuseen, kaasoo la sheegay inuu kasoo jeedo degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya iyo Aadan Deeq oo loo yaqaaan Xuseen Cabdi oo isaguna Soomaali ah.

Labadan nin ayaa la sheegay inay ahaayeen labadii nin ee goobta weerarku ka dhacay geeyay kooxaha weerarka afarta maalmood qaatay ku qabsaday suuqaas ganacsi, iyadoo booliisku ay dul-dhigeen helista xogtooda lacag gaaraysa 6,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Taliyaha booliiska Kenya, David Mwole Kimaiyo ayaa sheegay in labadan shaqsi ay yihiin kuwii fududeeyay howgalka, waxayna sheegeen in cid walba oo soo xogtooda lasoo socodsiisa haya’daha ammaanka Kenya la siin doono lacagta la ballanqaaday.

Sidoo kale, booliisku waxay sheegeen in gaariga ay labadan nin isticmaaleen ay ka iibsadeen ruux u shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay ayna uga iibsadeen 06-dii bishii September lacag gaaraysa 34,000 oo shillinka Kenya ah.

Ma aysan sheegin booliisku halka ay labadan nin ku sugan yihiin, waxayse sheegeen inay tani qayb ka tahay baaritaannada ay ku raadinayaan sidii uu ku dhacay weerarkii Westgate iyo ciddii gacanta ka geysatay.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegatay inay weerarkaas iyadu mas’uul ka ahayd, iyadoo kooxdan ay sheegtay inay ugu aargudaysay dad badan oo ciidamada Kenya ay ku laayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa lagu eedeeyay inay ka seexdeen inay ka hortagaan weerarkaas, iyadoo madaxweynaha dalkaas uu sheegay inuu si dhaqso ah ku magacaabi doono guddi baaritaan ku sameeya sidii weerarka uu ku dhacay iyo dal-daloollada ammaan ee jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya