4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada iyo UNFPA oo Siminnaar u soo Gaba-gabeeyay dhallinyaro Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Waaxda haweenka iyo arrimaha bulshada  ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada dowladda Somalia oo gacan ka helaysa hay'ada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qoyska ee UNFPA ayaa maanta Muqdisho kusoo gaba-gabeysay siminnaar looga hadlayay tacadiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Siminnaarkan oo socday muddo seddex maalmood ah ayna ka gayb-galeen 25 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa waxaa diiradda lagu saaray tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed, iyadoo ka qayb-galayaasha siminnaarka dhinacyo badan ka eegeen dhibaatooyinka dumarka loo geysto.

Agaasinka waaxda haweenka ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada Leylo Aadan Xaaji Maxamed oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ujeeddada siminnaarku uu ahaa sidii bulshada looga wacyi-galin lahaa xad-gudubka loo geysto dumarka.

Qaar ka mid ah ka qay- galayaasha siminnaarka oo iyana gabo-gabadii hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inay si aad ah uga faa’iideysteen siminarka inta uu socday; waxaana ay dalbadeen in la xoojiyo siminaarrada noocan oo kale ah, ayna ku dadaali doonaan sidii bulshada ay uga wacyi-gelin lahaayeen ilaalinta xaquuqda dumarka.

Agaasimaha guud ee agaasinka haweenka iyo arrimaha bulshada, Maxamed Cumar oo gaba-gabadii siminnaarka hadal ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay ururka tababarka fuliyay, isagoo kula dardaarmay in wixii ay kororsadeen ay ugu faa'iideeyaan inta aan nasiibka u yeelay kasoo qaybgalka siminaarka; wuxuuna ballan-qaaday inay sii kordhin doonaan keenista siminnaarrada muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya