4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu hogaminayay guddoomiyaha gobolka iyo xubno ka socday wasaarrada arrimaha gudaha oo horay u sii joogay magaalada.

Xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka  oo maalmaha soo socda ku sii sugnaan doona magaalada ayaa ujeedada socdaalkkooda ku sheegay ugu horeyn dhameynta khilaaf u dhaxeeya beello wada dega qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaannka Deefoow oo bilihii ugu danbeeyayba uu ka dhax jiray muran dhinaca deegaannka ah oo in badan sababay gacan ka hadal.

''Marka hore ujeedada socdaalka aan u soo gaarnay magaalada Beledweyne waa dhameynta khilaafka u dhaxeeya beellaha walaalaha ah, waad og-tihiin colaada beellahaas  mudo ayeey soo jiitameysay, intaas oo dhanna dadaalo nabadeed ayaa socday, annagana waxaan rabnaa in xoojinno dadaalada nabadeed ee horay loo waday,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo HOL la hadllay.

Xildhibaanka ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM dadaalka ay u galleen sidii wax looga qaban lahaa colaada beellaha khilaafku soo kala dhax-gallay, isaga oo intaa raaciyay in ay qaadan doonaan dhinacooda kaalinta arintaa uga aadan.

''Howshaa nabadeynta markii horeba waa ay soctay oo gacan weyn waxaa ka geystay maamulka halkan ka jira, odayaasha dhaqanka beellaha iyo saraakiisha ciidamada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo runtii aan siweyn ugu mahad celiynayo, annagana waxaan qaadan doonaa kaalinta arinta nooga aadan oo ah in aynu dhameystirno dadaaladaas markii horeba socday,'' ayuu hadalkiis sii raaciyay xildhibaan Nuur.

Xildhibannada maanta gaaray Beledweyne ayaa kala ah xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, xidlhibaan Max'ed Cumar Max'uud, xildhibaan C/naasir Gaarane Cumar, xildhibaan Nuur Iidoow Beyle iyo xildhibaan Duniyo Max'ed Cali.

Dhinaca kale, xildhibaan Nuur Iidoow ayaa HOL u sheegay in marka laga soo tago xilinta khilaafka u dhaxeeya beelaha walaalaha ee wada dega gobolka, in ay guda galli doonaan wadatashidii ku aadan dhismaha maamulka gobolka oo ay horey u wadeen xubno ka socday wasaarrada arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

''Sidoo kale, waxaan guda-galli doonaan wadatashiyadii horay u socday ee dhismaha maamulka gobolka, waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo ma jiro maamul bulshada kor looga keenayo, iyaga ayaa dhisanaya maamulkooda, sidaa daraadeed waxaan qeyb ka noqon doonaan wada tashiyada socda si bulshada gobolka gacan loogu siiyo in ay maamulkooda sameystaan,'' ayuu yiri xildhibaan Nuur.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa ku biiray xubno socda dowladda oo horay u sii joogay Beledweyne, isla markaana la tashiyo iyo kulamo intaba la lahaa qeybaha bulshada.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya