4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
HIBO NUURA: “Magaalada Muqdisho waxay ku socotaa Waddadii horumarka xilli dhowna waxay ku noqonaysaa Muqdishadii hore”


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Fannaanada weyn ee Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) oo bishii hore dib ugu soo laabatay Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay in Muqdisho ay dib ugu laabanaso Muqdishadii hore.

Hibo Nuura ayaa sheegay in Muqdisho ay ka tagtay iyadoo qurxoon, balse ay aad uga naxday markii ay aragtay sida ay u burburtay, waxayse sheegtay in rajo badan ay geliyeen dhismayaaasha ka socda caasimadda sida jidadka dib loo dhisayo.

“Muqdisho waxay ahayd meel qurxoon markii aan ka tagayay, balse maanta waad arkaysaa sida ay u burbursan tahay. Waxaa jira dhismayaal cusub oo aad u dhaadheer oo aan horay ugu oolin Muqdisho, waxayna igu dhaliyeen kuwaas in dalku uu dib u dhismayo,” ayay tiri Hibo Nuura.

Sidoo kale, fannaanada oo ka timid dalka Jarmalka ayaa sheegtay in haddii ay Muqdisho ku socon lahayd sidii hore waxay maanta la mid noqon lahayd caasimadaha Yurub, balse way u qornayd, haddana rajo wanaagsan ayaa ka jirta ayay ku tiri hadalkeeda.

“Tiyaatarka, hoteel Curuba iyo hoteel Jubba oo aan ka heesi jiray markaan arkay burburka ku dhacay si aad ah ayaan u calool xumaaday, laakiinse mar walba oo aan xusuusto waxaan isku qanciyaa in goobo kale ay dhismeen,” fanaanadu ku tiri wareysi gaar ah oo ay siisay shabakadda Sabahi Online.

Hibo Nuura oo da’doodu tahay 60-meeyo ayaa waxay muujisay inay si aad ah ugu faraxsan tahay inay Muqdisho kusoo laabato muddo 22-sano ah oo ay ku noolayd dalka Jarmalka, iyadoo xustay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha ay dalkooda kusoo laabtaan.

“Magaalada Muqdisho maanta waa ammaan inta yar ee hartayna waxay u baahan tahay in la iska kaashado sidii loo dhameytiri lahaa, waxaana qof walba oo Soomaali ah oo dibadda ku nool ugu baaqayaa inuu dalkiisa dib ugu soo laabto si uu sugidda ammaanka uga qaybqaato.

Dhanka kale, fannaanadu waxay sheegtay inay ka sameyn doonto Muqdisho inta ay ku sugan tahay bandhig-faneedyo ay ku guubaabinayso shacabka Soomaaliyeed si ay qayb uga qaataan dib u dhiska dalkooda iyo sugidda amniga.

Ugu dambeyn, Hibo waxay maamulka gobolka Banaadir uga mahadcelisay in uu sabab u ahaa inay timaaddo Muqdisho oo ay muddo dheer ka maqnayd; iyadoo xustay inay heeso badan oo gubaabo ay qaadi doonto, laakiinse ma aysan sheegin xilliga ay Muqdisho ka dhoofayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya