4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minneota (SAWIRRO)

Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Ergyga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda AMISOM ayaa kulan kula yeeshay magaalada Minneapolis jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku nool.

Anaadiif ayaa ku sugnaa maalmahan magaalada Minneapolis, iyadoo kulanka uu qayb ka yahay kulammo uu la yeelanayay Soomaalida qurbaha ku nool, isagoo bishii May ee sannadkan kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalka Britain.

“Ujeeddada shirkan waa sidii aan fikarado uga qaadan lahayn Soomaalida ku nool qurbaha, kuwaas oo ah xubno aad u firfircoon gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha,” ayuu yiir Anaadiif oo intaas ku daray in tani qayb weyn ka tahay wadatashiyada aan la yeelanayno Soomaalida dibadaha ku nool.

Maalintii Sabtida ahayd ayuuu ergaygu wuxuu kulan quraac ah la yeeshay imaamyada masaajidda magaalada Minneapolis, isagoo sharraxaad ka siiyay howlaha ay qabato AMISOM, wuxuuna sidoo kale warbixin ka dhageysatay imaamyada.

Hiiraan Online oo weydiisatay ergayga waxyaabihii uu kala hadlay culumadii uu la kulmay ayaa wuxuu sheegay inuu sharraxaad ka siiyay howlaha ay ka hayso AMISOM gudaha Soomaaliya, iyaguna ay ka heleen warbixinno kala duwan.

Danjire Anaadiif ayaa socdaal ku maray goobaha ay Soomaalida gacansigay ku leedahay ee magaalada magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis-St.Paul.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Xubnihii aan la kulmay waxay ii sheegeen inay si wanaagsan dadka diinta ugu sharraxi doonaan si ay u ogaadaan inaysan wax wanaagsan ahayn waxa ay Al-shabaab waddo,” ayuu yiri dajire Anaadiif oo sheegay in taasi ay tahay mid aad u wanaagsan.

Sidoo kale, danjire Maxamed Saalax wuxuu xusay in imaamyadii uu kulanka ka qaatay ay u sheegeen inay kasoo horjeedaan qaabka Al-shabaab ay u adeegsanayso diinta islaamka, isagoo fikirkaas ku tilmaamay mid si weyn uu u soo dhaweynayo.

Dhanka kale, danjiraha iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmeen xalay oo ay soo galaysay Axad jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay filim ka hadlayay waxqabadka AMISOM, iyadoo madaxdii ka socotay AMISOM ay halkaas kasoo jeediyeen warbixinno kala duwan.

Imaam masaajidka Dawa, Xasan Jaamici oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa AMISOM ka dalbay inay ku daraan howlgalladooda dhowr qodob oo ay ka mid yihiin inay si aad ah u ixtiraamaan dhaqanka Soomaalida, in la sameeyo guddi ka madax-bannaan AMISOM, kaasoo baaritaanno ku sameeya xad-gudubyada ay ciidamada AMISOM ku kacaan.



Qodobbada kale ee Imaam Jaamici uu soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladda Somalia iyo AMISOM uu dhex-maro is-faham wanaagsan si ay howlaha ay wadaan ay ugu guuleysataan.

Ugu dambeyn, wadaadkan wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya aysan wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka, isagoo sheegay in Al-shabaab ay diinta islaamka si aan sax ahayn u fasiraan.

Hiiraan Online ayaa weydiisay danjire Anaadiif maxaa sababay in ciidamada nabadgalayda Soomaaliya aysan wali suuragal u ahayn in ay la wareegaan xaruumaha ay ka mid yihiin madaxtooyada, Dekedda iyo garoonka dayuuradaha? Dajire Anaadiif wuxuu ku jawaabay "Mar rabno in ciidan aan diyaar ahayn ay ku wareegaan xaruumahaas ka dibna ay AMISOM halkaas ceeb ka soo raacdo. Waa in aan u hubinaa in ciidanka Soomaalida uu diyaar u yahay in ay la wareegi karaan xaruumahaas" .

Waxaa shirkan warbixin soo dhaweyn ah ka jeediyey madax guddiga qaban qaabada ee shirka Sadiiq Warfaa, waxaana ka hadlay xubno kala ah: Sheekh Cabdirashiid Caabbi imaamka masjidka, Abuubakar Sadiiq, Prof. Jabriil Maxamed, jaamacadda Ohio State University, dhanka dowladda Soomaaliya waxaa halkaas kaga hadlay, Col. Cali Amer. Waxaa si habsami ah shirka u daadihinayey (MC) Mr. James Gadin oo ciidamada AMISOM u qaabilsan dhinaca siyaasadda.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa kulmidoona 50 aqoonyahaan oo laga soo xulay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Ameerika si ay fikirkooda ugu biiriyaan horumarinta howlgalada AMISOM ee gudaha dalka Soomaaliya

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya