3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Booliiska Soomaaliya uu ka tayo Wanaagsan yahay Booliiska Ciraaq


Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay tababar loo furayey qaar ka mid ah saraakiisha booliiska Somalia ayaa sheegay in booliiska Somalia uu ka tayo wanaagsan yahay booliiska dalka Ciraaq.

Mudane Guuleed ayaa sheegay in mar uu booqday dalka Ciraaq bishii hore ay madaxda dalkaas u sheegeen in ciidamadooda booliiska ay yihiin 700,000 oo askari misaaniyadda ay bishiiba isticmaalaan ay tahay 10-milyan oo doollar, halka tan booliiska Soomaaliya ay ka tahay bishii 2.5 milyan oo doollar.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdooyin ka kala dhacay Soomaaliya iyo Ciraaq isagoo xusay in bishii Ramadaan oo kaliya ay qaraxyo iyo dilal qarsheysan oo ka dhacay Ciraaq ay ku dhinteen 1,900-qof kuwo u dhow dhacdooyinkaasna ay ka dhaceen Soomaaliya, balse ay Soomaaliya tiro intaas ka yar ay ku dhinteen.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay aad uga wanaagsan tahay dalal ay dagaalladu ka jiraan, wuxuuna xusay in waxyaabaha ugu  yaabka badan ee uu kula soo kulmay Ciraaq ay ka mid yihiin in askariga la baro xuquuqda aadanaha, taasoo uu sheegay inay tahay midda looga baahan yahay booliiska Soomaaliya in la baro.

“Booliiska ayaa ammaanka shacabka sugi kara, waayo waa mid ka yimid dad shacabka ah, waxaana looga baahan yahay inay kasbadaan kalsoonida guud ee shacabka si ay wada-shaqeyn uga helaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna la hadlayay saraakiisha tababarka loo furay ayaa ka dalbaday inay dadaal u galaan sidii ay kalsoonida dadka u heli lahaayeen, si looga guuleysto Al-shabaab oo uu sheegay inay dagaal adag kula jiraan.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan sidii ay amniga guud ee dalka ku sugi lahaayeen, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay dhawaan inay gacanta ku dhigeen kooxo xiriir la leh Al-shabaab oo falal ammaan-darro kawaday degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, inkastoo caasimadda ay ka dhacaan falal ammaan-darro oo kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/6/2013 11:05 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Waaxda haweenka iyo arrimaha bulshada ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada dowladda Somalia oo gacan ka helaysa hay'ada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qoyska ee UNFPA ayaa maanta Muqdisho kusoo gaba-gabeysay siminnaar looga hadlayay tacadiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

10/6/2013 9:13 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu hogaminayay guddoomiyaha gobolka iyo xubno ka socday wasaarrada arrimaha gudaha oo horay u sii joogay magaalada.

10/6/2013 9:08 AM EST
Axad, October 06, 2013(HOL) :- Wafdi uu horkacayo hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib safarro kala duwan oo uu kusoo maray dalal kala duwan.

10/6/2013 8:52 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgallada ay ku baacsanayno kooxaha mas’uulka ka ah weerarrada argagaxisada ah ee ka dhaca Somalia iyo Liibiya.

10/6/2013 8:29 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka hadlayay waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii la magacaaba oo ku beegnayd 06-da Oktoobar 2012 oo maanta ku beegan ayaa wuxuu sheegay in isku shaandheyn uu ku sameyn doono wasiirradiisa, isagoo xusay in la ballaarin doono.

10/6/2013 7:16 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Fannaanada weyn ee Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) oo bishii hore dib ugu soo laabatay Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay in Muqdisho ay dib ugu laabanaso Muqdishadii hore.

10/6/2013 4:25 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Islaamka ee dalka Kenya ayaa sheegay in loogu hanjabay in la dili doono, balse aysan taasi wax cabsii ah gelin doonin oo uu sii wadi doono wacyi-gelinnada diiniga ah.

10/6/2013 3:52 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Ergyga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda AMISOM ayaa kulan kula yeeshay magaalada Minneapolis jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku nool.

10/6/2013 3:35 AM EST
Axad, October 06, 2013(HOL) :- Qaraxan oo ahaa mid xooggan islamarkaana siweyn looga maqlayay guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa saaka aroortii ka dhacay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo.

10/6/2013 3:09 AM EST
Axad, Oktoobar 06, 2013 (HOL) — Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii habeen hore lagu qaaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.